Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Warbixin Ka Siiyey Golaha Guurtida Xaalada Xoolaha Nool Ee Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Warbixin Ka Siiyey Golaha Guurtida Xaalada Xoolaha Nool Ee Somaliland.
January 28, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS ;Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir-gudoominaayey gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxay xildhibaanadu warbixin ka dhageysteen wasiirka wasaaradda xanaada xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir Cali.

Wasiirku waxa uu golaha uga xog-waramay, waxqabadka wasaaradda, dhoofka xoolah xanaanaynta xoolaha iyo caafimaadintoodaba.

Wasiirka wasaaradda xanaanda xooluhu isagoo ka hadlaya hawsha ay wasaaradani qaranka uga wakiilka tahay waxa uu yidhi “Wasaaradda xanaanada xooluhu waa wasaarad qaranku u igmaday in ay ka shaqayso daryeelka, caafimaadinta iyo xanaanayntoodaba. Sidaa daraadeed waa wasaarad aad u balaadhan oo kaalin wayn kaga jirta qaranka.”

Wasiirka wasaaradda xanaanada xooluhu waxa kale oo uu ka hadlay dhoofitaanka xoolaha gaar ahaan sannadihii ugu dambeeyey, waxaanuu sheegay in korodh aad u badani ku yimi dhoofitaanka xoolaha, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Sannadkii 2010-kii xoolihii dhaafay gaar ahaan adhigu waxa uu ahaa (Hal milayan iyo badh oo neef). Sannadkii 2011-kii waxa dalkeena ka dhoofay (laba milayn iyo lix boqol oo kun oo neef. boqol iyo sodon kun oo lo ah iyo laba iyo sagaashan kun) oo geel ah. 2012-kii waxa dhoofay (Sadex milayan iyo laba boqol oo ku) in ku dhaw oo adhi ah, (boqol iyo lix kun) oo geel ah.”

Wasiirka xanaanada xooluhu waxa uu sheegay in sannadkii 2013-kii uu dhoofka xooluhu ka yaraa sanadihii hore, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Sannadkii 2013-kii dhoofka xooluhu wuu ka yaraa intii sanadihii ka horeeyey sababtoo ah, xajkii dhawaa dadka tagaya waxa hoos loo dhigay 20% dhisme ka socday awgeed.” Wasiirku isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi “Sabahaas dartood sannadkii 2013-kii waxa dhaafay (Laba milayn iyo sideed boqol oo kun) oo neef oo adhi ah, (boqol iyo sideed iyo todobaatan kun) oo lo ah, (boqol iyo lix kun) oo geel ah.” Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkii 2012-kii uu ahaa sanadkii ay dalka dhoofeen tiro aad uga badan intii ka dhoofi jirtay sanadihii ka horeeyay.

Dr. Cabdi Aw-daahir waxa kale oo uu  ka hadlay kaalinta ay xoolaha nooli kaga jiraan dhaqaalaha dalkeena iyo sida loogu baahan yahay in lagu dadaalo daryeelkooda, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhaqaaleheena 60% waxa uu ku xidhan yahay xoolaha nool, inta kale waxay inaga soo gashaa lacagaha dadkeenu eheladooda uga soo diraan wadamada dibada. 80% lacagta adag ee ina soo gashaa waxay ka timaadaa xoolaha nool. Markaa xoolaha nooli miisaankaas ayey ku leeyhiin horumarka dalka.” Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Maadaama oo xoolaha nooli munaafacaad kaas balaadhan inoo leeyhiin waxa loo baahan yahay in dadaal aad u wayn loo galo daryeelka caafimaadkooda iyo xanaanayntoodaba.”

Wasiirka xanaanada xooluhu waxa uu sheegay in ay waxbadan ka qabteen kor u qaadida miisaaniyada ay wasaaradaasi ku shaqaysoo oo markii hore ahayd mid aad u yar oo aan daboolayn baahida wasaaradda taala. Sidoo kale waxa uu sheegay in shaqaalaha ka hawl gala wasaaradaasi hadda ay yihiin 253 halka ay markii hore 140 kaliya. Sannadkana ay qaadan doonaan shaqaale aqoontoodu gaadhsiisan tahay Diploma ilaa Digree si ay aqoonta ay soo barteen ay ugu horumariyaan dadaalka ay wasaaraddu ugu jirto daryeelka xoolaha.

 

COMMENTS
LINKS