Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Dareen Celiyey Qodobadii Ka Soo Baxay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Dareen Celiyey Qodobadii Ka Soo Baxay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya.
January 19, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(wajaalenews):-wasiirka wasaarada madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka dareen celiyey qodobadii ka soo baxay shirkii wada hadalada Somaliland iyo somaliya ee lagu soo gaba gabeeyey wadanka Turkiga/

 

 

Hargeysa(wjn):-wasiirka wasaarada madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka dareen celiyey qodobadii ka  soo baxay shirkii wada hadalada

Somaliland iyo somaliya ee lagu soo gaba gabeeyey wadanka Turkiga

Wasiirka madaxtooyada Somaliland oo qoraal uu arimahaas kaga hadlay soo dhigay boga uu ku leeyahay Internetka ayaa waxa uu dhignaa qoraalkaasi sidan ? wada hadal mudo socday kadib, waxaan halkan idinkula wadaagaya qodobadii kasoo baxay kulankii ay marti gelisay dawlada turkey-gu, waa qodobo gogol xaadh u noqon doona yoolka wada hadalkan oo ah in aan beesha caalamka ku qancino xaqa iyo xuquuqda ka maqan dalkeena Somaliland:

1- In labada dhinac sii waddaan wada hadalada noocan ah, isla markaana la fuliyo qodoboadii kuwii hore lagu heshiiyey,
2- Labada Dhinacba waxay gelayaan Wada-hadalada iyaga oo ay ka go?antahay in ay xaliyaan arimaha u baahan xalka si loo helo natiijo labada dhanba qancisa,
3- Labada dhinacba waxay isku raaceen inay ku dhaqmaan xeerka anshaxa iyo heshiisyada kale
4- Labada dhinacba waxay si dhamaystiran u fududaynayaan si wada jir ahna u qeexayaan meelaha la iska kaashanayo kuwaas oo ku qotoma baayihaha labada dhinac
5-Labada dhinac ba waxaa si dhaba uuga go?an xal u helida farqiyada iyada oo loo marayo hab ku salaysan nabad-gelyo iyo oo wada hadal
6- Labad dhinac waxay ku isla garteen in Dawlada Turkey-gu xog joogta ah siiso beesha Caalamka
7- Iyada oo la tixraacayo wada-hadalkii labad dhinac ku dhex maray Istanbul, Turkey 7-9/Jul 2013 labada dhinac waxay isla garteen in mudo 45 cisho ah ku dhisaan gudiga maamulka socdaalka hawada ?Air Traffic Control Board?
8- Labada dhinac waxay isla meel dhigeen in ay dhisaan guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood ? Laba xubnood dhinac walba? labada gudi Farsamo-na waxaa kormeeraya labada wasiir ee u xil saaran.
9- Waxaan wadaagnaynaa xanuunka iyo dhibta ay dadka Soomalida ah u geysateen nidaamkii keli taliskii Milatarigu, gaar ahaana dadka ku dhaqan Somaliland,? ayuu ku yidhi qoraalkiisa wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

WARIYE MMH

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS