Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Kulan Uu La Qaatay Masuuliyiinta Sahaminta Gaasta Ka Bilaabi Doonta Dhulka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Kulan Uu La Qaatay Masuuliyiinta Sahaminta Gaasta Ka Bilaabi Doonta Dhulka Somaliland
January 11, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews):-wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda shirkada Rog Gas kuwaas oo booqashadii ugu horaysay ku yimid wadanka somaliland.

Hargeysa(wjn):-wasiirka wasaarada macdanta iyotamarta somaliland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda shirkadaRog Gas kuwaas oo booqashadii ugu horaysay ku yimid wadanka somaliland.

Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta SomalilandXuseen Cabdi Ducaale oo ka hadlay kulankii uu la qaatay waftiga ka socdashirkadan Rog Gas oo laga leeyahay wadanka isku taga imaaraadka carabta ayaa waxa uu sheegay inay shirkadani Somaliland ka caawin doonto sidii loo baadhilahaa dhulka ay gaastu ku jirto ee Somaliland.

Ugu horayn wasiirka wasaarada macdanta iyo tamartaSomaliland oo ka hadlaya kulanka uu la qaatay waftiga ka socda shirkadan ayaa waxa uu yidhi ?wasaarada macdanta iyotamarta waxaanu

ku soo dhawaynay wafti hor dhac ah oo ka socda shirkada layidhaahda Rag Gas taas oo ah shirkad caalamiya oo nagala shaqayn doonta blog-yoka mid dhulka Somaliland  oo kala ah SL9iyo SL12 kuna yaala gobolka Saaxil, laba sarkaal ayaa shirkadaas ka socdakuwaas oo shalay dalka soo gaadhay kuwaas oo kulankii ugu horeeyeyna maantanala qaadatay intii shaqada kala wareegeen shirkadii la odhan jiray Ophil  oo iyadu markii hore haysay masuuliyadaBlog-yadaasi, shirkadaas oo ka gaabsatay inay dalka Somaliland ka shaqayso.?

 

Sidoo kale madaxa shirkada Rog Gas Dr Osama  oo isaguna kulankan ay la qaateen wasiirkawasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland ka hadlay ayaa sheegay  inuu ku faraxsan yahay kulankan, waxaanuxusay inay shirkada Somaliland ka caawinayso sidii loo heli lahaa deegaamada aygaastu ku jirto,

Xukuumada Somaliland ayaa todobaadyadii ugudanbeeyey heshiisyo kala duwan la galaysay shirkado  caalamiya kuwaas oo dhulka Somaliland kabaadhi doonto shiidaalka iyo gaasta, isla markaana sahamin ku samayn doonadeegaamada laga heli karo shiidaalka.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS