Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Kulan Balaadhan La Qaatay Maayarada Degmooyinka Dalka, Kana Hadlay Qodobo Ka Soo Baxay Kulankaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Kulan Balaadhan La Qaatay Maayarada Degmooyinka Dalka, Kana Hadlay Qodobo Ka Soo Baxay Kulankaasi
January 19, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(wajaalenews):-wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay maayarada dalka,

 

Hargeysa(wjn):-wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta kulan balaadhan  la qaatay maayarada dalka,

Wasiirka wasaarada maaliyada ayaa kulankan uu la qaatay maayarada dalka waxa uu nuxurkiisu ahaa sidii loo kordhin lahaa dakhliga dawladaha hoose  iyada oo sidoo kale lagaga wada hadlay sidii maayarada degmooyinku ay ula dagaalami lahaayeen wax is daba marinta iyo musuq maasuq.

Kulankan oo maanta ka qabsoomay xarunta wasaarada maaliyada ee magaalada
Hargeysa ayaa wasiirka wasaarada maaliyada oo ka hadlay kulankani waxa uu si mug leh uga hadlay hawlaha kor loogu qaadayo dakhliga wadanka.

Ugu horayn wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlaya kulankan uu la qaatay maayarada degmooyinka iyo qodobada ka soo baxay ayaa waxa uu yidhi ?wasaarada arimaha guduhu waxay wada shaqayn la leedahay maayarada dalka, sidaas darteed ayuu kulankani u yahay mid sadex geesood ah, kulankani waxa uu la xidhiidhay inaynu isweydiino guud ahaan hawlaha inaga dhaxeeya,  waxaynu isla qaadanay in wada shaqaynta ka dhaxeeya wasaarada arimaha gudaha, wasaarada maaliyada iyo dawladaha hoose ay noqoto mid aad u wanaagsan oo qaranimo ku dhisan maadaama aynu dawlad kaliya wada nahay.?

Wasiirka wasaarada maaliyada oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas sii raaciyey ?maadaama labada wasaaradood iyo dawladaha hoosaba ay si ugu wada mashquulsan yihiin dakhliga dalka inay iskaashi wanaagsan ka wada yeeshaan sidii uu dakhligaasi u wanaagsanaan lahaa, in dakhliga la kordhiyo oo la wanaajiyo iyo in lala dagaalamo musuq maasuqa ragaadiyey wadamo badan oo aduunka ka mid ah oo aynu la dagaalano sifo kasta oo lagu lunsanayo hantida umada muhiim ayey u tahay wadanka dakhliga qayb weyn ayey ka qaadataa,  waxaana noo farxad ah inaanu kulankan maayarada degmooyinka is afgarad wanaagsan ka gaadhnay kuwaas oo wixii ka soo baxayna ay hir geli doonaan?

Sidoo kale qaar ka mid ah maayarada degmooyinka dalka oo iyaguna kulan ka hadlay ayaa balan qaaday inay wada shaqayn buuxda la yeelan doonaan wasaarada maaliyada Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews desk

 

COMMENTS
LINKS