|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay Inaanay Suurta Gal Ahayn In Wax Laga Badalo Xeerka Takaaliifta Waddooyinka, Xildhibaanada Golaha Wakiiladana U Soo Jeediyey Inay Xukuumada La Difaacaan Xeerkaas.
January 5, 2014 - Written by editorHargeysa(WJN):-wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay inaan waxba laga badali doonin cashuuraha uu waajibyey xeerka horu marinta waddooyinka Somaliland ee ay hore u ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland.
Hargeysa(Wajaale-News):-wasiirka wasaarada maaliyada SomalilandCabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay inaan waxba laga badali doonincashuuraha uu waajibyey xeerka horumarinta waddooyinka Somaliland ee ay hore u ansixiyeen mudanayaasha golahawakiilada Somaliland. Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland CabdicasiisMaxamed Samaale oo maanta hor yimid fadhigi golaha wakiilada ayaa waxa uusheegay in loo baahan yahay in la hir geliyo cashuuraha uu waajibinayo xeerkahoru marinta waddooyinka. Ugu horayn wasiirka wasaarada maaliyada SomalilandCabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlaya cashuuraha xeerka takaaliifta waddooyinkaayaa waxa uu yidhi ?xeerka takaaliifta waddooyinka golaha wakiilada ayaaansixiyey wasaarada maaliyadana xeerkaasi kamuu iman, haddii ay dhaliiili kujirto xeerkaas waxa ta koowaad yeelanaya golaha wakiilada, dawladuna cashuuroayey qaadaa oo ay u baahan tahay, waddooyinkeenana waad ogtihiin sida ay yihiinaduunyada cidi wax inama siiso ee inaga ayaa doonayna inaynu wax qabsano,haddii aynu doonayno inaynu dhisno waddooyinka oo aynu diidno in shilin lagaqaado baabuurtii maraysay sidee ayaalagu helayaa, ma samada ayey ka imaysaa cid hagaajisaa. Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland CabdicasiisMaxamed Samaale oo hadalkiisa sii wata ayaa xildhibaanada golaha wakilada u soojeediyey inay difaacaan xeerka takaaliifta waddooyinka ee ay horu u ansixiyeen,waxaanu yidhi ?markaa qofka xildhibaanka ah ee halkan xeerka waddooyinka kuansixiyey aqlabiyada guud xaga kalana umada ka afuufaya oo xumaan ka sheegayamiyaanu ahayn qof is burinaya oo marnaxeerka takaaliifta waajibiyey oo ansixiyey marna si qaldan xukuumadii wax ugasheegaya, miisaaniyada ku jirta xeerka wadooyinkana waxay si toos ah u galaysaawaddooyinka, lacagtaas waddooyinka loo qaadayaana xisaabta dawlada meelna kamagalayo ee waddooyinka ayuu toos u galayaa mana qabo in xeerkaas ay golahawakiiladu ansixiyeen in laga noqdo ama la badalo mana aha wadada saxa ah,dadkii cawdayna way is arkeen xukuumada haday tahay wasaarada maaliyada,wasaarada arimaha gudaha iyo wakaalada biyaha waxaana laysla gaadhay go,aamo ay raali ku noqdeen,golaha wakiiladana waxa looga baahan yahay marka ay xeer noocan oo kale ahansixiyaan inay difaacaan mana ah inay dib uga hor yimaadaan oo ay caayaansharaf daro ayaanay idinku tahay in wixii aad ansixiseen hadana aad dib uga hortimaadaan.? Ayuu yidhi wasiirka maalliyada Somaliland Cabdicasiis MaxamedSamaale
Wajaale News Desk Hargeisa Office
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|