Wasiirka Caafimaadka Oo Kormeer Ku Soo Maray Deegaano Ka Mid Ah Gobolka Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Caafimaadka Oo Kormeer Ku Soo Maray Deegaano Ka Mid Ah Gobolka Awdal.
January 15, 2014 - Written by Editor:

Boorama(wajaalenews):- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) iyo wefti caafimaad oo uu hogaaminayo oo mudooyinkii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa maanta maray deegaano ka mid ah gobolkaasi iyadoo dadweynaha deegaanadaasi ay si weyn u soo dhoweeyeen wasiirka iyo mas?uuliyiinta kale ee wehelisa.

Wasiirka oo lugtiisii u horaysay  maalintii shalay ka bilaabay magaalada Boorame ee xarunta gobolka awdal ayaa socdaalkiisu ku wajahan yahay xog ogaal u noqoshada xaaladda caafimaad ee goboladaasi, waxana isaga iyo weftigiisu ay subaxnimadii saaka soo mareen deegaaanada kala ah Degmada Bakki, Cali Xaydh iyo waraqa-dhibta, halka duhurnimadii maantana ay soo gaadheen magaalada garbo-dadar, habeenimada caawana ay ku sugnaan doonaan magaaalada xeebta ah ee Lughaya .
Wasiirka iyo weftigiisu intii ay marayeen deegaanadasi waxay warbixino ka dhegaysteen mas?uuliyiinta iyo hawlwadeenada caafimaad ee degmooyinkii iyo tuulooyinkii ay socdaalka ku mareen iyagoo u kuurgalay heerka ay gaadhsiisan tahay xaaladda caafimaad ee bulshada iyo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee adeegyada caafimaadka la xidhiidha ee deegaanadaasi u baahan yihiin.

 

Socdaalka shaqo ee wasiirka wasaarada caafimaadku waxa uu qayb ka yahay siyaasadda guud ee wasaaradda ee ku aaddan daryeelka caafimad ee bulshada somaliland, siyaasaddaas oo ku qottonta qorshayaasha shanta sanadood ee soo beegan, iyadoo warbixinaha iyo xogaha laga soo ururiyo deegaanada galbeed ee dalka ee ay weftiga wasiirku tageen iyo dadweynaha ay la kulmeen laga samayn doono warbixino dhamaystiran oo qeexaya baahiyaha adeegyada caafimaad ee goboladaas ka jiri kara iyo meelaha horumarka laga sameeyey, ka dibna loo diyaarin doono qorshayaashii lagu waajihi lahaa xogaha la helay.

WAJAALENEWS DESK

BORAMA OFFICE

EMAIL.wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS