|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Caafimaadka Oo Kormeer Ku Soo Maray Deegaano Ka Mid Ah Gobolka Awdal.
January 15, 2014 - Written by Editor:Boorama(wajaalenews):- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) iyo wefti caafimaad oo uu hogaaminayo oo mudooyinkii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa maanta maray deegaano ka mid ah gobolkaasi iyadoo dadweynaha deegaanadaasi ay si weyn u soo dhoweeyeen wasiirka iyo mas?uuliyiinta kale ee wehelisa. Wasiirka oo lugtiisii u horaysay maalintii shalay ka bilaabay magaalada Boorame ee xarunta gobolka awdal ayaa socdaalkiisu ku wajahan yahay xog ogaal u noqoshada xaaladda caafimaad ee goboladaasi, waxana isaga iyo weftigiisu ay subaxnimadii saaka soo mareen deegaaanada kala ah Degmada Bakki, Cali Xaydh iyo waraqa-dhibta, halka duhurnimadii maantana ay soo gaadheen magaalada garbo-dadar, habeenimada caawana ay ku sugnaan doonaan magaaalada xeebta ah ee Lughaya .
Socdaalka shaqo ee wasiirka wasaarada caafimaadku waxa uu qayb ka yahay siyaasadda guud ee wasaaradda ee ku aaddan daryeelka caafimad ee bulshada somaliland, siyaasaddaas oo ku qottonta qorshayaasha shanta sanadood ee soo beegan, iyadoo warbixinaha iyo xogaha laga soo ururiyo deegaanada galbeed ee dalka ee ay weftiga wasiirku tageen iyo dadweynaha ay la kulmeen laga samayn doono warbixino dhamaystiran oo qeexaya baahiyaha adeegyada caafimaad ee goboladaas ka jiri kara iyo meelaha horumarka laga sameeyey, ka dibna loo diyaarin doono qorshayaashii lagu waajihi lahaa xogaha la helay. WAJAALENEWS DESK BORAMA OFFICE EMAIL.wajalenews@gmail.com
Related posts:Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Doorka Saxaafada ee Xuska 18 May,Iyo Shaqaalaha Wasaarada oo ay D... Gudoomiyaha Ururka Solja Oo Caawa Cisbitaalka Ku Booqday Wariye Cabdiraxmaan fantastic Oo Ciidamo Ji... DAAWO ;Wasiirka Arimaha Gudaha Waran Cade Oo Taagdarada Xukuumada Siilaanyo kula Galgashay Dawalad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|