Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulamo La Yeeshay Madax Dhaqameedka Labadii Beelood Ee Shalay Dirirtu Ku Dhexmartay Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulamo La Yeeshay Madax Dhaqameedka Labadii Beelood Ee Shalay Dirirtu Ku Dhexmartay Gobolka Sool
January 13, 2014 - Written by Editor:

Yagoori(wajaalenews)-Weftigii xukuumadda Somaliland ee uu horkacayey wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancadde ee maalintii shalay u gurmaday dhibaatadii ka dhex dhacday beelo reer guuraa ah oo degan Gobolka sool ayaa magaalada Yagoori ee Gobolkaasi kulan balaadhan kula yeeshay Cuqaasha iyo waxgaradka deegaankaasi.

Wararka ka imanaya deegaankaasi waxa ay xaqiijinayaan in waxgaradka deegaankaasi ay ballanqaadeen in aanay waxba kala hadhayn nabad ku soo celinta deegaankaasi ka dib markii maalintii shalay dhowr qof ku dhinteen iska hor imaado aan abaabulayn oo dhexmaray dad ka soo kala jeeda ardaayo deegaankaasi wada dega.

Dhanka kalena Badhasaabka Gobolka Sool Md maxamed Faarax Aaadan ayaa sheegay in xaaladu degan tahay ilaalinta nabadgelyadana ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka oo kaashanaya waxgaradka iyo dadweynaha Gobolka isla markaana ilaahay talo saaranaya.

Weftiga gurmadka nabadda deegaankaasi ee ka tirsan xukuumadda Somaliland ee uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha Md Cali warancadde waxaa kaloo xubo ka ah wasiirka wasaaradda hawlaha guud Md cabdirisaq Axmed Khaliif iyo mas’uuliyiin kale, waxana ay maanta ku sugan yihiin deegaanadii ay dhibatadu ka dhacday ka dib wadahadalo kale oo ay magaalada Oog kula yeesheen waxgaradka deegaankaasi.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS