Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland warkiisu waa nin daad qaaday xumbo cuskay. Wasiir Samaaloowna sharcigu Quraan maaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland warkiisu waa nin daad qaaday xumbo cuskay. Wasiir Samaaloowna sharcigu Quraan maaha.
January 6, 2014 - Written by Wariye:

Waxaa maanta wararka Somaliland ka soobaxayay ku cusbaa saddex war oo dareenkayga soo jiitay oo kala ahaa:

1) War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibedda SomalilandMudane Maxammed Biixi Yoonis.

2) Hadal uu Wasiirka Maaliyada Somaliland kajeediyay Baarlamaanka Somaliland

3) War-saxaafadeed u soo saaray Maareeyahawakaalada biyaha Hargaysa

major-latin;´=”” major-latin;=”” 11.0pt;=”” 14pt;=”” “cambria”,”serif”;=”” 115%;=””>Saddexdan arrimood ayaa ahaa arrimaha ugumuhiimsan ee wakhtigan Somaliland ka taagan. Haddii aan si kooban ugu gondadego iyadoo ujeedadaydu aanay ahayn inaan falanqayn ka bixiyo laakiin aan raboinaan bulshada reer Somaliland la wadaago su?aalo mudan in la is-waydiiyo.

a) Qodobka 1aad, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yoonis ayaa sheegay inshirkii u hore u iclaamiyay ee dhexmari lahaa Somaliland and Soomaaliyatodobaadkan  uu ka baaqday dhankaSoomaaliya.  Wasiirka ayaa sheegay incudur-daarku ka yimid dhinaca xukuumada Soomaaliya oo xalay la soo xidhiidhayuna sheegtay inaan xukuumadda hadda joogta ama wasiirada jooga aanay u haysansharciyad inay wax heshiisyo ah galaan maadaama ay yihiin ku-simayaal (interim)ilaa inta laga soo dhisaya xukuumada cusub ee Raysal Wasaare Cabdiweli SheikhAxmed.

Su?aalaha is-waydiinta mudan:

i) Wasiirka iyo xukuumada uu ka tirsan yahayee Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay miyaanay ogayn in xukuumadii Raysal WasaareSaacid dhacday, wasiirada hadda joogaana ku-simayaal yihiin inta kuwo cusublaga soo magacaabayo?

ii) Maxay ku dhacday in hal habeen bixitaankooda ka hor lala socod-siiyoarrinkan ileen ummadi way ka dheregsanayd arrinkan oo wax cusub maahee.  Sideese sharaxaadaasi ugu cuntami kartaa amaugu qanci karaan dadka reer Somaliland ee ehlu caqliga ahi?

iii) Miyaanay jirin cid dhexdhexaad ah oo arrimaha wada-hadalka farsamo ahaanu wada una dhexaysa labada daraf ee wada-hadalku dhex-marayo isla-markaanaarrimaha noocan ah lafo-gur ku sii sameeyay dhinaca sharciyada iyosuurogalnimada qabsoomida shirka ee wakhtigan la joogo, gaar ahaan marka laeego xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya hadda ku jirto?

iv) Qadiyadii iyo hiigsigii Somaliland ee in ictiraaf caalami ah la helo mawaxay dhaafi wayday in hadba xukuumad taag daran oo Muqdisho aan wada xukuminlaga dhur-sugo?

Su?aalahaas iyo qaar kale oo badan waxaan udhaafayaa bulshada reer Somaliland ee ku xidhan saxaafada kala duwan.   Waxaanan qodobkaa kaga baxayaa Wasiirka iyoxukuumada Siilaanyo xaalkeedu run ahaantii waa ??nin daad qaaday xumbo cuskay??waxaanay Somaliland u soo hooyeen guuldarro aad u foolxun.

Qodobkaa sare ka sokow, Wasiirku wuxuu kahadlay biyo-gelinta caasimada Hargaysa oo uu sheegay inaanu arrinka Xumba-waynekala hadal dawlada Imaaraadka Carabta isagoo magaca xumbawaynena si kale ookhaldan ood moodo (wiil yar oo qurba-joog dhacan celis ah) ugu dhawaaqayaylooguna saxayay.  Waxaase la yaab igunoqotay markii isla haddana uu sheegay in arrimaha uu Imaaraadka u joogay ay kamid ahayd ka daba-tegida mashaariic ay dawlada Imaaraadku hore ugu balan-qaadaySomaliland oo biyuhu ka mid yihiin, taasoo hadalka wasiirka ka dhigtay midisburinaya.

Kaaga darane wuxuu wasiirku carabaabayashkhaas aanu magac dhebin laakiin uu sheegay inay ka dambeeyeen wararkasheegayay inuu wasiirku faro-geliyay biyo-gelinta caasimada ee Xumbowayne.  Isagoo ashkhaastaasi ku tilmaamay tuug laqabtay oo qabiilo dabada geliyay loona joojin doonin waa sida uu hadalka udhigay (timir laf baa ku jirta).  Dafirkawasiirka iyo tiraabtiisan dambe ayaan haba-yaraate ahayn kuwa is qabta.  Waxaanu wasiirku si wayn hadalkiisaa dambeugu cadeeyay inuu lug wayn ku leeyahay arrinka biyo-gelinta caasimada Hargaysa,waana arrin u baahan in si wayn isha loogu hayo gudo iyo dibedba.

b)  Talabaad wasiir Samaale oo isna Golaha Wakiilada ka sheegay arrinka kordhinta cashuurahaoo abuuray culays badan iyo xiisadii mudaharaadkii booyadaha biyaha udhaamiyaha in ka badan 70% dadwaynaha ku nool caasimada ayaa wasiir Samaalekula galgashay xagaa iyo Golaha wakiilada oo run ahaantii dembiga intiisa badaniska leh maadaama ay iyaga shacabku soo doorteen, yihiina kuwii ka hortegilahaa wixii xuquuqdooda xad-gudub ku ah. Wasiirka ayaase u muuqday mid ku adkaysanaya qaadista cashuuraha dhibtaiyo culayska badan ku abuuray shacabka isagoo leh waa sharci aad idinkuansixiseen kuna toorjar-garanayay xildhibaanada markii hore ansixiyay.

Waxaanse wasiirka xasuusinayaa sharcibaarlamaanku ansixiyay maaha samawi ee waa la bedeli karaa haddii uu ummadaculays iyo dhib ku noqdo.  Adduunka wayka dhacdaa shuruucda badankoodana waxaa lagu sameeyaa wax ka bedel (amendments)marka duruufi timaado.  Waxaad ogaataaxukuumada wasiir Samaale aad ka tirsan tahay waxay wax ka bedel ku samaysayarrimo kuwan ka miisaan culus sida arrinka wada-hadalka Soomaaliya oo isbasharci weliba (constitutional) ama dastuuri ahaa, wax aliyaale wax uu ummada uuu soo kordhiyay oon fadeexad iyo fool-xumooyin ahayna ma jiro.

Markaa waxaan ku boorinayaa Golaha wakiiladuinay arrinkaa dib u eegis iyo wax ka bedel dhakhso ah ku sameeyaan. Xukuumadanataas bay dani ugu jirtaa, haddii kale ha ogsoonaadaan in haddii ummada haraadla bado cashuur la qaado dhaafe, ay nabadda iyo xasiloonida jirtaa khalkhalgelayso.

c) Ugu dambayntiina waxaan kelmad kooban kaodhanayaa hadal isna uu sheegay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa oo sheegayin arrinka biyo-gelinta Hargaysa la qabyaaladeeyay oo la siyaasadeeyay, inankaaisaga waxaan leeyahay adeer adigaa meesha qabyaalad ku fadhiyee ha ka hadlin(qabyaalad).  Waayo Biyo Shiinihii ooahaa hanti qaran oo xiligii xukuumadii Afweyne la qoday una dhex ahaa ummadawada-degan Hargaysa waxaa laga dhigay meel reer leeyihiin oo cid aan reerkameeshaas degta ahayni maamulkeeda ma qabato. Sheekh iyo shariifna beesha aad ka soo jeeda waxay ku dagaalamaan inaancid kale oon iyaga ahayn aan la gayn, waxaa taas la mid ah dekedda Berbera ooiyana ah hanti qaran.  Arrimahaas ayaa kuah fadeexad iyo fawaaxish dawladnimada Somaliland.  Bal hadda is-barbar dhig taariikhda AirportkaHargaysa maamulkeeda iyo labadan Haayadood een kor ku soo xusay muwaadinwaxaana sida cad (evidence based) kuugu soo baxaysa halka qabyaaladu taalo eehoyga u ah.

Wa bilaahi towfiiq

Maxamed Aw Yuusuf

COMMENTS
LINKS