|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Debada Ma Qaabyaaladuu Soo Bartay
January 4, 2014 - Written by Wariye:Bil iyo ayaamo ka hor waxa yimi Kampala wasiirka arimaha debada ee Somaliland. Wasirku waxa imaatinkisa la socdey oo ka hortegey lix wiil oo dhalin yar oo ay isku beel ka soo jeedaanm. Wiilashaa qaarkood waa suuq joog kuwa kalena waa arday. Waxa iyaguna u yimi wasiirka laba nin oo sujuwi ama reer E.Africa ah oo iyaguna la reera. Wasiirku cid kale oo jaaliyada reer Somaliland ah lama kulmin kuwaa ay isku ardaaga noqdeen moyaane. Waxa magaalada degan rag iyo haween reer Somaliland ah, dhalin yaro dhamaantood isku duuban oo weliba qadyada iyo Somalilandnimadu ku adagtahay. Waxa jira iyana rag la yaqaan, odayaala oo bulshada u shaqeeye iyo kuwo naftood hure yaala oo mudakara oo maalin walba u taagan danta jaaliyada. Waxa su?aashu ay tahay wasiirku imaatinkiisa maxaa wiilasha ay isku reerka yihiin oo keliya ogaysiiyey. Qosolku waxa weeye , sida wararka wiilasha ka soo yeedhay sheegeen inuu wasiirku halkan hawl uu keligood u sheegay ka waday, hawshaas qudheedana waxa uu kala talagalay wiilasha uu la kulmay iyo labada sujuwi. Balan qaadyo xil ayuu hal nin oo ay isku reer yihiin oo sujuwiya u sheegay sida wiilasha ka soo yeedhay, hase ahaatee arintaasi waa mid kala fogeyn iyo mixnad hor leh ku dhex rideysa jaaliyada halkan oo isku duubnaan abidkeedba lagu yaqaanay. Xil bixintuna inaadeerkaa ku hab sii maaha ee waxay u baahan tahay in meelo badan wax laga eego. Xaalada wasiirku kama gedisana sheekadii islaanti lagu yidh ?ma sidaasaad islahayd wiil cad ku dhashid?. Wasiir ma sidaas ayaad ku doonaysaa inaad m/weyne hungurayso? Xaaji ogaal Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|