|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Ku Xiggeenka Warfaafinta Somaliland Oo Shir Jaraaid Oo Uu Qabtay Kaga Hadlay Arimo Doora
January 26, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS ;Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta JSL Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Ahna Ku Simaha Wasiirka Warfaafinta Oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtay Xafiiskiisa Ayaa Ka Hadlay Dhinacyo Kala Duwan Oo Ku Saabsan Marxaladda Dalku Marayo Gaar Ahaan Dhinacyada Nabadgelyada, Siyaasada Arimaha Dibadda, Dhanka Arimaha Bulshada Iyo Horumarka Maalinba Ta Xigta Dalku Ku Tallaabsanayo. Md Cabdiwaaxid Waxa Uu Sheegay In Mudadii Xukuumadani Xafiiska Joogtay Wax Badan Oo Muuqda Laga Qabtay Horumarinta Dalka Iyo Dadka Isla Markaaana Tallaabooyin Wax Ku Ool Ah Laga Sameeyey Dhinaca Dib U Heshiisiinta Iyo Isu Soo Dhoweynta Dhinacyadii Wax Tirsnayey Haday Tahay Dhanka Bari Oo Heshiisyo Kama Dambays Ah Lala Gaadhay Ururkii SSC Maantana Madaxdoodii Ay Talada Dalka Wax Ku Leeyihiin Iyo Dhinaca Galbeed Oo Dhowaan Wax Badan Iska Bedeleen. Wasiir Ku Xigeenka Oo Ka Hadlayey Siyaasadda Arimaha Dibadda Ayaa Sheegay In Meeqaamka Somaliland Ka Gaadhay Saaxadda Caalamiga Ah Uu Yahay Mid Aad U Sarreeya Iyadoo Madaxda Somaliland Dal Kasta Oo Ay Tagaanba Loo Sameeyo Soo Dhoweyn Iyo Qaabilaad Meeqaamka U Sarreeya Sida Aynu Ka Arkaynay Safaradii Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ku Tegay Dalalka Jabbuuti, Itoobiya, Kenya, K/Suudaan, Ingiriiska, Imaaraatka Carabta Ee Midoobay, Turkiga Iyo Safarkan U Dambeeyey Ee Dalka Faransiiska. Dhinaca Kobcinta Dhaqaalaha Isagoo Ka Hadlaya Wasiirku Waxa Uu Sheegay In La Wada Ogyahay Xaaladda Dhaqaale Ee Dalku Halkii Ay Taagnayd Waxii Ka Horeeyey Bishii July Sanadkii 2010, Xiligaas Oo Shaqaaleweynaha Iyo Ciidamada Qalabka Siddaaa Aanay Muddo Dheer Mushaharooyin Qaadan, Daymo Faro Badana Khasnadda Dawladda Lagula Wareegay, Laakiin Nasiib Wanaag Xukuumaddu Isku Tashatay Oo Muddo Sadex Sanadood Ah Oo Keliya Ay Miisaaniyaddii Qaranku Ku Sii Socoto Wax Ku Dhow Labo Boqol Oo Milyan, Musharaooyinkii Shaqaalaha Iyo Ciidamadana Markii Labaad Sanadkan La Kordhinayo, Ciidamada Qarankana Ay U Dheer Tahay Derejooyinkii La Siiyey Iyo Gunnooyinkii Derejooyinkaa Oo Loogu Daray Miisaaniyadda Sanadkan. Madaxweynaha Somaliland-Na Dhaqangeliyey Furitaankii Axsaabta Siyaasadda Iyo Ka Qayb Galka Dhalinyarada Ee Saaxadda Siyaasaddeed Ee Guud Ahaan Dalka. Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Ahna Ku Simaha Wasiirku Waxa Uu Si Cad U Qeexay In Dagaalkii Ay Xukuumadda Somaliland La Gashay Musuqmaasuqa Ay Somaliland Ku Mutaysatay Abaalmarin Balaadhan Oo Beesha Caalamku Kaga Abaal Marisay Sidii Loola Dagaalamay Musuqa Loona Wanaajiyey Maamulka, Sanadkan-A Ay Dalalka Ingiriiska Iyo Denmark Gudoonsiiyen Wasaaradda Maaliyadda Adduun Dhaqaale Oo Gaadhaya 60 Milyan Oo Doolarka Maraykanka Oo Ku Dhacaysa Qasnadda Dawladda Laguna Darayo Misaaniyadda Qaranka, Taasoo Somaliland Ku Mutaysatay Sidii Ay Ula Dagaalantay Musuqmaasuqa Hadheeyey Meelo Badan Oo Dalalka Soo Koraya Ah. Isagoo Ka Hadlaya Dhinaca Wadatashiga Ay Xukuumaddu La Samaysay Golayaasha Qaranka Iyo Axsaabta Mucaaradka Wasiirku Waxa Uu Tilmaamay In Wadahadalada Lala Leeyahay Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Somaliya Ay Xukuumaddu Kala Tashato Golayaasha Qaranka Iyo Asxaabta Siyaasadeed Ee Jira, Inkastoo Uu Wasiirku Xusay In Mudooyinkan Dambe Ay Xisbiyada Mucaaradku Caadaysteen Inay Durbaankii Dhinac Kale U Tumaan, Halka Sidoo Kalena Uu Wasiir-Ku Ku Bogaadiyey Gudidii Wadahadalada Uga Wakiilka Ahayd Somaliland. Md Cabdi Waxaaid Waxa Uu Shir Jaraa’idkiisa Ku Sheegay In Xukuumadda Somaliland Soo Dhoweynayso Talooyinka Axsaabta Mucaaradka Iyo Bulshoweynta Somaliland Ee Ku Aaddan Wadahadalada Lala Leeyahay Dalkaa Somalia Maadaama Ay Yihiin Wadahadaladu Kuwo Saamaynaya Masiirkii Umaddani Ee Mustaqbalka Fog. Dhanka Kalena Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafintu Waxa Uu Wax Laga Xumaado Oo Aan Bulshada Somaliland U Cuntamayn Ku Tilmaamay Fikradaha Shaqsiyaad Gaar Ah Oo Wada Qabyaalad Iyo Waxyaabo Ay Somaliland Ka Soo Gudubtay Muddo Nus Qarni Ah Ka Hor, Isagoo U Soo Jeediyey Dadkaasi In Ay Ogaadaan In Qaranimada Iyo Qabyaaladu Aanay Meel Wada Geli Karin, Dibna U Eegaan Horumarka Dalka Ka Socda Ee Dhinac Kasta Leh Ka Dibna Ka Qayb Qaataan WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:Shirkada Dp World Oo Faah Faahin Ka Bixisay Muhiimada Uu Somaliland Uleeyahay Aaga Cashuuraha Ka Caa... “Waxaan Dareensanahay Awood Iyo Xorriyad' Ololaha Orodka Ayaa Ka Dhex Jira Haweenka Reer Somaliland”... DAAWO;-Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Gaadhi Ku Wareejiyay Xarunta Agoomaha Magaalada Gabiley. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|