|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, , Axmed Silaanyo Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolada Togdheer,Iyo Selel halka uu qaarna xilkii kaqaaday
January 17, 2014 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu yahay JSL/M/XERM/249-2249/012014, ku magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolada Togdheer, Selel iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel, sidoo kalena waxa uu xilalkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Selel iyo ku xigeenkiisii, halka gudoomiyihii hore gobolka Togdheeri uu sheegay in uu isagu iska casilay xilkii gudoomiyenimo, Madaxweynuhuna uu buuxiyey xilkaasi.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagadan;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay: in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
WUXUU GO’AANSADAY
XIL-KA QAADIS
Mudaneyaal ,
Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel. Xilalka Qaranka ayay dabcigooda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Selel) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel (Mudane, Cali Allaale Riyaale Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Selel)
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
ALLAA MAHAD LEH
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|