|
|||||
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEGA C/xakiim Camey oo loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Puntland
January 8, 2014 - Written by Editor:GAROOWE WAJAALENEWS— Golaha wakiillada ee Puntland ayaa u doortay madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey). Xilkan oo ay 10 murashax u tartameen waxaa wareeggii ugu dambeeyey isugu soo baxay Murashax C/xakiim C/laahi Cumar (Camey) iyo C/laahi Cali Xirsi (Tima-cade) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo shaaciyey in guushu ay raacday C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey). Madaxweyne ku-xigeenka cusub oo cod aqlabiyad leh ku guuleystey ayaa helay 48 cod oo kamid ah codadka 66-da xubnood ee Baarlamaanka Puntland uu ka kooban yahay, halka C/laahi Cali Xirsi (Tima-cade) uu helay 16 cod . Taariikh noloeedka madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland oo kooban dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa. WAJAALENEWS DESK GAROOWE OFFICE Related posts:Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa Oo Bilowday Olole Dhir Beeris ah Iyo Maayarka Mooge Oo Ka Hadlay... “Masuuliyiinta 10 Jirsaday Iyo Intayada Kale Ee Dawlada Kamid Ah, Waxaan Leeyahay Dadkii Xisbigu Way... DAAWO ; Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Xubno Wasiiro ah Oo Baaq Nabadeed Udiray Beelo Ku Dagaalama... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|