War Deg Deg Ah Baarlamaanka Soomaaliya oo Codka Kalsoonida u qaaday Xukuumada Cusub ee Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah Baarlamaanka Soomaaliya oo Codka Kalsoonida u qaaday Xukuumada Cusub ee Somalia
January 21, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO WAJAALENEWS ;Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Daqiiqado yar kahor waxa ay codka Kalsoonida u qaadeen Xukuumada uu dhawaan soo dhisay Ra’izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed oo maanta Baarlamaanka la horkeenay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kulanka joogay ayaa gaadhayay ilaa 233-Xildhibaan , Baarlamaanka ayaana Kahor inta aan codka loo Qaadin Xukuumada Cusub ee Ra’izul Wasaare Cabdi Wali waxaa dood kulul ka yeeshay Xildhibaano Baarlamaanka kuwaa oo ku kala aragti duwanaa Xukuumada Cusub ee dhawaan lasoo dhisay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaaana markii Dooda dhamaatay waxa ay Su’aalo weydiiyeen Ra’izul Wasaare Cabdi Wali oo maanta hor yimid Baarlamanaka , Ra’izul Wasaaraha ayaana kaga jawaabay Baarlamaanka Su’aalihii ay weediiyeen.

Intaas kadib ayaa Gudoonka Baarlamaanka waxa uu Baarlamaanka ka codsaday in ay codka Kalsoonida u qaadaan Xukuumada Cusub ee Ra’izul Wasaare Saacid iyadoona Baarlamaanka laga doonayay in Codka siiyaan ama u diidaan Xukuumada Cusub.

Codka Kalsoonida waxaa siiyay Xukuumada Cusub Xildhibaano taraduudu tahay 186-Xildhibaan waxaana diiday  46-Xildhibaan waxaana ka aamusay kaliya Hal Xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa si cad u shaaciyay in Xukuumada Cusub ee Ra’izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed ay tahay ansax lagana doonayo in Wax qabad latimaado Xukuumada.

Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumada Soomaaliya ee goordhaw helay Codka Kalsoonida Baarlamaanka ayaana lagu wadaa in maalinta Berito ah la dhaariyo sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS