|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Uu Hogaminayo Prof Samatar Oo Booqasho Ku Tagay Jaamacadda Camuud Ee Gobolka Awdal
January 2, 2014 - Written by Editor:Wafti uu horkacayo prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxa ay booqasho ku tageen Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Hargaysa(WAJAALENEWS):-Wafti uu horkacayo prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxa ay booqasho ku tageen Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Waftigan uu hogaaminaayey Prof Samatar waxa Jaamacadda Camuud ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed, waxaanu warbixin ka siiyey Xaallada guud ee Jaamacadda Camuud, isagoo ugu horeyn soo dhawaynaya Waftiga waxa uu yidhi “Ku soo dhawoow Jaamacdda Camuud, ku soo dhawoow dooxadii Camuud ee aad wax ka baratay, runtii waxa aan ka marag kacayaa in Labada walaalaha ah ee Ilma Samatar ay yihiin kuwa ugu mudan ee dunida laga yaqaan ee Profs ah ee u dhashay Somaliland. Waxa kale oo aan kuu sheegayaa Prof. Samatar in Jaamacadda ay maanta ardaydan ku hor fadhida ay yihiin ardaydii freshman-ka oo kior u dhaafaya 1300 oo arday oo ka kala yimid 26 goobood oo uu gobolka Awdal hal mid ka yahay, ayna ku yiraan gabi ahaanba meelaha lagaga hadlo afka Somaliga iyo dalalka carabta, Yurub iyo Waqooyiga America, sidaas aawadeed waxa ay taasi ku tusaysaa in ay Jaamacadu tahay mida ugu magaca wayn ee ay ku abtirsato taariikhda Somaliland ee dhinaca waxbarashada ahi” Wasiiru dawlaha Maaliyada ee Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo kulankaas ka hadalay ayaa waxa uu ka sheekeeyay dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Burco waxana uu yidhi “Baaqa uu diray madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaaliland waxa uu sheegayaa in jida Ceerigaabo dhismahiisu uu yahay midka ugu dheer Somaliland oo hadana kala badhay dalka, si loo dhiso jidkaasna waxa uu ku baaqay in laga wada qayb qaato sidaas aawadeed waxa aan Jaamacadda Camuud uga fadhinaa inay ka qayb qaataan dhismaha jidkaasi” Prof. Samatar oo hadalka qaatay ayaa isaguna ku dheeraaday sharaxaad uu ka bixiyay xidhiidhka ka dhaxeeya Hormarka uu dal hiigsanayo, Aqoonta iyo Jaamacadaha, waxana uu yidhi “Hormarku waa mid aan dhamaad lahayn oo bulsho walba oo caalamka ku nool ku lamaan, si taasi loo hiigsadana waxa waajib ah in bulshadaasi ay la timaado isbedel dhinaca dhaqanka ah oo salka ku haya asluub wanaag hormarka dhiirigalinaysa, iyo sidoo kale siyaasad caafimaad qabta oo dal laga dhex yagleelo si loo qorsheeyo hormarka loo baahan yahay” WAJAALENEWS.COM HARGEISA OFFICE Related posts:Kuwa Mucaaradadda ka deyaya diiwaangelinta ee ku hadlaya afka axsaabta waxan leeyahay…”Badhasaabka S... Xildhibaan Barkhad Oo Qiray Gobanimada Shacabka Somaliland Iyo Rajada Madaxtinimo ee Beeshiisa! Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Oo Kormeer Ku Tagay Biriijka Dacar Budhuq Oo Roobabkii Waxyeelo Soo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|