Wada Hadaladii U Dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia Oo Mar Kale Maanta Dib Uga Furmay Dalka Turkiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wada Hadaladii U Dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia Oo Mar Kale Maanta Dib Uga Furmay Dalka Turkiga
January 16, 2014 - Written by Wariye:

somalia iyo somalilandAnkara (Wajaale News) – Wadada hadaladii u dhaxeeyay labada wadan ee Somaliland iyo Somalia ayaa la sheegay in ka furmeen dalka Turkiga.
Wada hadaladan oo ay labada dhinac kaga wada hadli doonaan aayahadooda dambe ayaa waxa soo qaban qaabiyay dalka Turkiga oo ay markii saddexaad ku kulmeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Md. Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ay wada hadaladaasi ka rajaynayaan in ay ka soo baxaan sidii ay labada dhinac mar kale u midoobi lahaayeen.
Anagu waxa  aanu xoogga saarnay sidii lagu heli lahaa Soomaaliya oo mid ah, isla markaan looga wadahadli lahaa waxyaabaha la kala tabanayo. Sidoo kale walaalaha Somaliland iyaguna waxay xoogga saareen sidii looga hadli lahaa waxyaabaha la kala tabanayo,ayuu yidhi

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia ayaa intaasi ku daray in shirka qadar ka dib lagu noqon doono isla markaana halkaasi laga sii ambo qaadi doono, waxaanu yidhi

Waxaan qabnaa dhankeenna in khilaafyada jira ay Soomaalida xallin karo, aana kawada hadalno, ayuu yidhi.

Waftiga Somaliland ayaa waxa hor kacayay Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Biixi Yoonis

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS