TVgii Qaranku Saddex Malyuun iyo Badh Ayuu Ku Caytamaa, Hargeysina Way Biyo La’aadahay Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TVgii Qaranku Saddex Malyuun iyo Badh Ayuu Ku Caytamaa, Hargeysina Way Biyo La’aadahay Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen
January 12, 2014 - Written by Editor:
TVga Qarankana magacu waa ku khasaaree ee wax kale haloo bixiyo, ileyn waxan ka baxaaya Qaran kuma sheegi karnee!!!!!

Derbi Cagaweyn, Waa wax doqonoo, Darka loo Dhigo, Deysan maysee Wayska dumisaa (heestii Geella!)
Waxaa ummaddii Somaliland ka fajicisay in TVgii Qaranka ee ay xukuumaddu tidhaahdo saddex malyuun iyo badh baa ku baxa uu ku soo ururay inuu noqdo goob dadka iyo xisbiyadda laga caayo. Somaliland oo dalalka adduunka ugu faqiirsan ka mid ah oo caasimadeeddii ay dadku ku biyo la’aayihiin, ma wax xukuumadda laga iibsaddaa ah in TV aan dalka waxba ku soo kordhin karash intaa le’eg lagu bixiyo..
Xataa ma intaasaa hal malyuun laga dhimi kari waayey oo dadka biyo loogu soo saari kari waayey. Shantii sanadood ee ay xukuumaddu haysay hadday shan malyuun oo qudha ka dhinto kharashkan xad-dhaafka ee ay leedahay wuu ku baxaa TV Qaranka Somaliland, Wax weyn oo xagga biyaha ah ayaaba lagu qaban kari lahaa.
Anigu tiraba hanti-dhowre (very senior auditor), ayaan ahaan jiray, TVyadda kalena waan la socdaa kharashkooda, iyo weliba goobaha ganacsiganna ilaa weligay baan ku soo dhex jiray. Ma dhici karto in TVga Qaranka lacag intaa le’eg ay ku baxdo. Laakiin waxaan ogohay in TVga Qaranka lacag xad dhaaf ah ay madaxtooyadda Somaliland qudheedu ku cunto, farahana ugula jirto.
Madaxweynaha hadda talladda haya waxa laga hayaa iyadoo duuban markuu mucaaridka ahaa; “TVga Qaranku wuxuu noqonayaa goob ay u siman yihiin mucaarid iyo muxaafid! Oo aan dadka laga caayin” meeday taasi, ileyn waabu ka sii daraye?
Maxaa sababay in Boobe Yussuf Ducaale, oo ahaa wasiirkii hore ee Warfaafinta, oo ah qoraa weyn, haldoor Somaliland u dhashay in isagoo waajibkiisii gudanaaya laga eryo wasaaradda. Maxaa keenay imika in wasiirka warfaafinta ee hadda inuu eryo maamulka hadda joogga oo haddana khasab deg-deg ah loogu soo celiyo iyadoo madaxtooyadu dabada ka waddo.
Waxaan idiin sheegayaa in TVga qaranku in kolba soo fadhiisiyo oo weliba saacad dhan siiyo dad xisbigga UCID laga eryey oo kolba ku andacoonaaya inay is casileen oo waxyaallo akhlaaqiyaadka ka baxsan ay kaga hadlaan TV dhan oo sheeganaaya inuu Qaran matelo, waxaa kale oo iyaduna la yaab leh in dad aan xilba u haynin UCID ay ku andacoodeen inay xilkii iska casileen iyadoo khiyaamaddaa iyo beentaasi uu TVga Qaranku la ogsoon yahay oo uu qaatay amar laga soo siiyey madaxtooyadda .
Ceerigaabo hal nin oo ah xildhibaanaddii dhacay mooyaane inta kale ee tidhi waanu is casilnay waanu garan weynay oo qaarbaaba Kulmiye noqday. Halka la maraayo imika qolooyin Kulmiye ahaa ayaaba odhanaaya waxaanu iska casilnay UCID.

Tii ugu qosolka badneyd ee bulshadda reer Somaliland ay la yaabeen waxa weeye kolkii nimankii Gabiley UCID u fadhiyi jiray ee aanu saddexda bilood ka hor kala dirnay ay soo fadhiisteen markii saddexaad doraad TVga qaranka haddana ay yidhaahdeen waanu is casilnay. Hadda waatii xukuumaddu Gabiley noo diiday inaanu booqano oo xafiisyadayaddii soo dhisano ee ay inkaartu ka raacday.

Hadda waa kooxdii aanu erinay ayaa kolba soo noolaanaya oo odhanaya waanu is casilnay oo uu TVga Qarankuna kolba soo daynayaa. Bal haddaan toodaba u raaco oo idhaahdo waad is casisheen, imisa jeer ayaa lays casilaa? iyo maxaa TVga Qaranku uu beenta u faafiyaa? Waa wax laga xishoodo in hantidii danyarta ee weliba sida waxashnimadda leh loogu takrifalaayey haddana loo adeegsaddo sifo jabhadeed, oo been abuur ummadda looga horseedo.
Miyaaney kaga habooneeyeyn in TVga Qaranku soo daayo barnaamijyo dadka lagu wacyi gelinaayo oo faa’iido u leh dalka Somaliland, muraayadna u noqda wanaaga dalka ee lagu soo hirto? Falaadhi gil-gilasho kaagama go’do.
Dawladdani hawshii ummadda ee looga fadhiyey waxay kaga mashquultay la dagaalanka mucaaridka oo maasuq baahsan ayaa dalkii la turunturoonayaa, adeeggii ummaddana way ka aradan yihiin.
Xisbigga UCID wuu ku faraxsan yahay inuu xilalka fadhiidka ahaa u baneeyo dhalinyaro fir-fircoon oo xisbigga ku soo biiri doontaa iyo kuwo kuba soo biiray oo uu dhowaana u sameeyn doono inshallah xaflad balaadhan magaaladda Hargeysa.
TVga Qarankana magacu waa ku khasaaree ee wax kale haloo bixiyo, ileyn waxan ka baxaaya Qaran kuma sheegi karnee!!!!!. Imika laga bilaabana isha ayaanu ku hayn doonaa TVga Qaranka iyo musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira

COMMENTS
LINKS