Tababaraha Kooxda Real Madrid Oo Sheegay In Sanadkan Aanay Ciyaartooy Cusub Soo Iibsan Doonin, Kana Hadlay Xaalada Iker Casillas Iyo Natiijada Kulankii PSG | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tababaraha Kooxda Real Madrid Oo Sheegay In Sanadkan Aanay Ciyaartooy Cusub Soo Iibsan Doonin, Kana Hadlay Xaalada Iker Casillas Iyo Natiijada Kulankii PSG
January 6, 2014 - Written by Wariye:

Tababaraha kooxda Kubada cagta ee Real Madrid Carlo Ancelotti, ayaa sheegay in aanay sanadkan suuqa ka soo iibsan doonin ciyaayahano cusub. Waxa uu tilmaamay in ay kooxdu hada isku filan tahay isla markaana ay joogaan ciyaaryahano badani, kuwaas oo buu ku yidhi ku dedaali doona sidii ay meel fiican sanadkan kooxda u gaadhsiin lahaayeen. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xaalada uu ku sugan yahay ciyaaryahan Iker Casillas iyo waliba natiijadii ay ku dhamaatay ciyaartii saaxiibtinimo ee ay iskaga horyimaadeen kooxda Paris St Germain. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu u waramayay warbaahinta, waxaanu yidhi ?Xaalada Ciyaaryahan Casillas waa iska cadahay,  waxa uu ciyaari doonaa Championka iyo waliba waliba horyaalka  ayuu yidhi. Maalmihii ugu dambeeyay ayay wararku sheegayeen in ciyaaryahan Casillas uu ku biiri doono kooxaha Liverpool iyo Manchester City, balse tababare Carlo Ancelotti oo la waydiiyay ayaa sheegay in ay kooxda iyo ciyaaryahan Casillas ay heshiis ka gaadhi doonaan wixii dhexdooda yaala, waxaanu yidhi ?Waxa aan filayaa in xal loo heli doono, waxaana ka heshiin doona wixii jira oo dhan ciyaaryahanka iyo waliba kooxda  ayuu yidhi. Mar la weydiiyay bal suuqa kala iibsiga ciyaartooyga iyo sida ay ku qaabili doonaan sanadkan ayaa waxa uu yidhi ?Ma jiro ciyaayrahan cusub oo aanu soo iibsan doonaa, mana jiro ciyaaryahan naga tagaya, sanadkan daaqadayadu way xidhan tahay  ayuu yidhi. Kooxda Real Madrid ayaa horaantii sanadkan cusub ciyaar saaxiibtinimo oo ay iskaga horyimaadeen dhigooda Paris St Germain waxa ay kaga adkaadeen 1-0, waxaana uu ku sheegay in ay ahayd ciyaar aad u qurux badan ?Real Madrid waxa ay u ciyaartay si fiican, waxaanay ciyaartaasi ahayd mid qurux badan. Runtii kooxda PSG lafteeduna waxa ay soo bandhigtay ciyaar qurux badan, ciyaatooyguna waxa ay ku niyadsamaayeen in ay daqiiqda xisaabiyaan  ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay. Xiddig Caan Ka Ahaa Dalka Portugal Oo Bakhtiyay Wararka ka imanaya dalka Portugal ayaa sheegaya in uu Bakhtiyay ciyaaryahankii dalkaasi caanka ahaa ee Eusebio. Ciyaaryahankan oo hore ugu soo ciyaaray xulka dalka Portugal iyo kooxda Banfica ayay wararku sheegayaan in uu ku Bakhtiyay dalkaasi isla markaana ay dadka dalkaasi dhalasho ahaan ka soo jeedaa aad uga naxeen. Xiddigan ayay da?diisu hada maraysay 71 sano, waxaana intii uu u ciyaarayay Kooxda Banfica uu kula guulaystay koobka European Cup sanadkii1962-kii, waxaana saddex sano ka dib oo ku beegnayd 1965-kii loo aqoonsaday xiddiga ugu wanaagsan qaarada Yurub. Magaciisa oo dhamaystirani waxa uu ahaa Esuebio da Silva Ferreira, waxaanu asal ahaan ka soo jeedaa dalka Mozambique, laakiin waxa uu qaatay dhalashada dalka Portugal, waxaanu sanadkii 1966-kii koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Ingiriiska uu noqday ama loo aqoonsaday in uu ahaa weeraryahannkii ugu wanaagsanaa, ka dib markii uu xulka dalkiisu soo galay Kaalinta 3-aad ee koobkaas aduunka. Si kastaba ha ahaatee kubada cagta aduunka ayaa aad ugu murugoonaysa ciyaaryahankaasi ka tagay. Tababare Wenger Oo Amaanay Wiil 18 Jir Ah Oo Kooxdiisa Caawimo U Geystay Kulan Darbi Ahaa Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa amaanay ciyaaryahanka da?da yare ee Serge Gnabry, ka dib markii ay kooxda Arsenal Habeen hore afka ciida u gelisay dhigeeda Tottenham. Waxa uu sheegay in ciyaaryahankani uu la yimid dedaal dheeraad ah intii lagu guddo jiray ciyaartaasi. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu waramayay, warbaahinta dalka ingiriiska, waxaanu yidhi ?Waxa uu ciyaaryahan Serge Gnabry u ciyaaray si qurux badan, kulamadii Swansea City iyo  Crystal Palace, ciyaarihii sabtidiina waxa uu soo bandhigay tayadiisa ciyaareed, waxa uu sida runta ah u ciyaaray si fiican ayuu yidhi. Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi ?Waa wiil aad u yar, waxa uu dhashay sanadkii 1995-kii,  waxa uu ku tusayaa in uu weli yahay wiil yar, laakiin uu tayo badan leeyahay, waa nin caqli badan, waxaanu leeyahay maskax fiican marka la eego kubada cagta ayuu yidhi. Ciyaaryahankan ayaa ka mid ahaa xiddigihii habeen hore afka ciida u geliyay kooxda Tottenham, waxaanu tababare Arsen Wenger uu sheegay in uu noqon doono ciyaaryahanada ay kooxdaasi ay ku faani doono mustaqbalka iyo waliba xilli ciyaareedkan hada lagu guddo jiro. ?Waxa uu ka mid yahay ciyaaryahanada yaryar ee kooxda ku sugan, waxa aan u sheegaa in uu halkaasi dedaalkiisa ka sii wado, waxaanu mustaqbalka ka mid noqon doonaa ciyaayrahanada ay kooxdu kala hor tagi doonto dhigeeda kale? ayuu yidhi. Tababare Solskjaer Oo U Riyaaqay Guushii Ay Kooxdiisu Kala Soo Guryo Noqotay Newcastle Kooxda Kubada cagta ee Cardif City ayaa habeen hore afka ciida u gelisay dhigeeda Newcastle United, ciyaar ku tirsanayd FA Cup-ka. Ciyaartan oo ka dhacday hoyga Kooxda Newcastle United ayaa waxa ay ku dhamaatay 1-2 ay guushu ku raacday kooxda Cardif City. Hadaba tababaraha cusub ee kooxdaasi sanadkan wata Ole Gunnar Solskjaer, ayaa sheegay in qaabka ay kooxdiisu u ciyaartay uu la mid ahaa midkii lagu yaqaanay kooxda Manchester United ee uu ka tirsanaa. Waxa uu amaan balaadhan u soo jeediyay ciyaartooyga kooxdiisa iyo waliba taageerayaasha, waxaanu xusay in ay guushaasi hore u sii wadi doonto hamiga ay ugu jiraan in ay ka mid noqdaan kooxaha laga baqo. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi ?Waxa aan aad u aqaanaa qiimaha uu bedelka ciyaartooygu leeyahay, waxa aad haysataa 90 daqiiqo, waxaana lagaa rabaa in aad isku bedesho 14-ka ciyaaryahan ee aad xaqa u leedahay, waxaana lagaa doonayaa in ciyaartooyga aad bedeshaa in uu kooxda u saamayn ku yeesho ciyaarto? ayuu yidhi. Sidoo kale tababare Solskjaer, waxa uu carrabka ku dhuftay in wakhtigii ay ciyaartaasi socotay uu dhiirigelin badan siiyay ciyaartooygiisa, waxaanu yidhi ?Waxa aanu la ciyaaraynay koox weyn, waxaanan isku daynay wax kasta oo aanu guusha ku sii xejin karaynay, runtiina fariinta aan u dirayay ciyaartooygu waxa ay ahayd in ay dedaal badan muujiyaan, saamayn xoogana ku yeeshaan ciyaarta, waxa aan lahaa saacad badh ayaad si fiican u ciyaarteen ee dedaala? ayuu yidhi. Waxa uu aad ugu kaftamay in uu kooxda keeni doono ciyaaryahano magac leh, waxaanu yidhi ?Waxa aan kala hadli doonaa Maamulka Kooxda sidii loo keeni lahaa ciyaaryahanada kala ah Ryan Giggs, Aaron Ramsey iyo Gareth Bale, waana ii bartilmaameed? ayuu yidhi. Kyle Walker Muxuu Ka Yidhi Jabkii Tottenham Ka Soo Gaadhay Arsenal Kooxda Kubada Cagta ee Arsenal ayaa habeen hore baalasha ka riftay dhigeeda Tottenham, ka dib markii ay kaga badisay 2-0 ciyaar ku tirsanayd FA Cup-ka. Ciyaartan oo lagu tilmaamay in  ay ahayd mid aad u xiiso  badan ayaa labada dhinac midba macno gaar ah u samaysay. Hadaba ciyaaryahanka caanka ah ee Kyle Walker, ayaa sheegay in kulankaasi ay guul daradu ka soo gaadhay uu kooxda u noqon doono cashar ay wax kaga baran doonaan. ?Guul daradaasi aanu la kulanay runtii waxa ay noo ahayd cashar, laakiin waxaanu ku dedaali doonaa in aanu halkaasi ka sii wadno firfircoonaantayadii aanu ku ciyaari jirnay? Sidoo kale waxa uu cadeeyay in kooxdiisu ay dedaal badan gelisay sidii ay wax isaga dhicin lahaayeen, balse ay kubaddu soo raaci wayday ?Waxa aanu ku dedaalnay sidii aanu wax isaga dhicin lahayn, laakiin kubada ayaan na soo raacin oo maalintayadii may noqon? ayuu yidhi. Gabogabadiina ciyaaryahan Kyle Walker oo difaaca uga ciyaara kooxda Tottenham ayaa xusay in marka la isku daro labada qaybood ee ciyaarta kooxda Arsenal ay qaybtii hore ee ciyaarta dedaal badan gelisay sidii ay guul u gaadhi lahayd, balse qaybtii dambe labada kooxood ay isku awood ahaayeen, waxaanu yidhi ?Waxa aan filayaa in kooxda Arsenal ay qaybtii hore ee Ciyaarta heshay fursado badan, laakiin qaybtii dambe ee ciyaarta waanu kala qaybsanay, labada kooxoodna isku awood uun bay ahaayeen? ayuu yidhi. Andres Iniesta Oo Soo Dhaweeyay Messi Ciyaaryahanka caanka ah ee Andres Iniesta, ayaa si aad ah u soo dhaweeyay ciyaaryahan Messi oo dib ugu soo laabtay Garoomada ka dib markii uu ka soo kabtay dhaawac haleelay. Andres Iniesta oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in ciyaaryahan Messi uu ka mid yahay xiddigaha laambada u shida kooxda Barcelona, maqnaanshihiisuna ay wax badan u dhimayso kooxdaasi. Waxaana hadaladii Andres Iniesta ka mid ahaa ?Warka soo kabashada dhaawacii haleelay ciyaaryahan Messi waxa ay ahaayeen kuwa ugu xiisaha badan ee aan jecelahay in aan maqlo? ayuu yidhi. Ciyaaryahan Andres Iniesta ayaa ku adkaysanaya in ciyaaryahan Messi uu yahay laf-dhabarta kooxda Barcelona, waxaanu yidhi ?Messi waa ciyaaryahan kaalinta koowaad ku jira, marka aad haysato ciyaaryahankan ama kuwo la mid ah waxa kuu fududaanaysa in aad guulo gaadho ama ay wax waliba kuu sahlanaadaan ayuu yidhi. Ciyaaryahan Messi ayaa muddo dheer garoomada uga maqnaa dhaawac soo gaadhay, waxaana ciyaaryahanada kooxdaasi ay aad u soo dhaweeyeen in uu dib ugu soo laabto garoomada. Wajaale News Hargaysa Office Email:habane00@gmail.com Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS