|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Ka Qaybgashay Shir Caalamiya Oo Lagaga Wada Hadlayo Maalgashiga Macdanta Africa
January 29, 2014 - Written by Editor:Cape Town (Wajaalenews)- Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka qaybgalay shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayo maalgashiga macdanta Afrika, kaasi oo markii u horreysay Somaliland ku Shirkan oo ah sannadle uu qabto isku-xidhka maalgashiga macdanta Afrika (Investing in African Mining Indaba) oo magaalada Cape Town ee dalka Afrika ka soconaya 1-da ilaa 7-da bishan February ee labada maalmood inaga xigaan, ayaa Somaliland ka mid noqotay 20 dal oo uga qaybgalaya Afrika, kuwaas oo isugu jira qaar ku guulaystay soo saarista iyo ka faa’iidaysiga macdanta iyo kuwo dadaal wayn kugu jira soo saaristeeda sida Somaliland, iyadoo iyo wasiirkeedu Eng. Xuseen Cabdi Ducaale. Shirweynahan ayaa lagu siiyey Somaliland meeqaab sare oo la mid ah dalal kale ee lagu martiqaaday, waxaanna lagu baahiyey shabakadda isku-xidhka shirweynaha qabanaya oo la soo geliyey 20-ka dalba ku jira magaca Sidoo kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo shirka ka jeedin doona khudbad ku saabsan khayraadka macdanta Somaliland, ayaa la siiyey waqti la mid ah ka loogu talogalay wasiirrada Shirweynahan oo ay ka qaybgalayaan marti sharaf ka kala socota waddamada dhaqaalaha ku horumaray ee dunida, maalgashadayaal, shirkadaha ka shaqeeya soo saarista macdanta iyo shidaalka, khubaro iyo aqoonyahan tiro badan oo kala duwan, ayaa ka qaybgalkiisa Somaliland noqonaysaa guul wayn oo u soo hoyatay, taasi oo ka dhalatay siyaasadda xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ugu jiro sidii loo heli lahaa maalgashi lagu soo saaro khayraadka macdanta iyo shidaalka, kaasi oo ay dhaliilaan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad ka xun shaqada uu qaranka u hayo WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|