Somaliland iyo Puntland Ayaa Laga Shaki Qabaa in uu Burburo heshiiskii ay Hore Uga Gaadheen Xuduudka u Dhaxeeya Madaxwaynaha cusub Awgii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland iyo Puntland Ayaa Laga Shaki Qabaa in uu Burburo heshiiskii ay Hore Uga Gaadheen Xuduudka u Dhaxeeya Madaxwaynaha cusub Awgii
January 9, 2014 - Written by Editor:

GAROWE(wajaalenews…)Warar xogogaala oo aanu ka helayno xoginta Madaxwaynaha xilka ka siidagaya ee maamul goboleedka puntaland ayaa waxaa uu dabooka ka Qaaday heshiisyo aqorsoon oo ay wada galeen somaliland

 

Madaxwayne faroole ayaa waxa uu heshiis dhanka xuduudkaa la galay madaxwaynihii hore ee somaliland Daahir Riyaale Kaahin Heshiiskan oo ay si wada jira u saxeexeen madaxwaynihii geeriyooday Cabdilaahi Yuusuf Axmed Jaamac Cali Jaamac Cade Muuse iyo Cabdiraxmaan Faroole  heshiiskan ayaa waxaa dhanka somaliland u saxeexay madaxwaynihii hore Daahir Riyaale Kaahin Aadan Mire Waqaf oo markaa ahaa wasiiru dawlaha arimaha gudaha ala ha u naxaiistee  Axmed Yuusuf Yaasiin Janaraal Nuux Taani oo ahaa jananka ciidamada qaranka somaliland heshiiskan ayaa aha in xuduudaha somaliland iyo puntland laga dhigo sidii dalka ingirrsku u dhigay ee uu xadka ugu sameeyay wakhtigii gumaysiga

Hadaba wararkan  ka soo burqanaya xafiiska xoghaynta cabdiraxmaan faroole ayaa waxaa laga shaki qabaa in heshiiskii wakhtigaa laga gaadhay xuduudka somaliland iyo puntland oo burburo  jiil cusub oo la wareegay maamulka puntland cabdiraxmaan faroole ayaa lagu wadaa in uu si miisaan leh ugu adkeeyo heshiiskaas in uu halkiisa ahaado oo aan la taaban somaliland  iyo puntland  heshiiskaa ay ka gaadheen dhanka xuduudka ayaa waxa uu socday muda 6 sano ku dhaw  kaas oo aakhirkii si farsamaysan ay puntland uga baxday gobolka sool oo ay ka talin jirtay

Ciidamada qaranka somaliland ayaa waxay xuduudkii ingirrsku dhex dhigay labada dal ay  u jiraan wax aan waxaba ahayin balse maamulka puntland ayaa shacabkooda inta badan wax aan jirin u sheega oo hal hays ka dhigtay sool iyo sanaag iyo cayn ayaynu xorayn naynaa

 

Dhanka somalialnd ayaa shaki wayn ka qabta in cabdi wali gaas uu baabiyo heshiiskaas  oo ay colaad horleh ka bilaabmato xadka ay wadaagaan puntaland iyo somaliland  taniyo wakhtigii lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashada madaxtinimada puntland cabdi wali gaas ayaa waxaa heegan xoogan oo dhanka xuduudkaa la galiyay ciidamada qaranka somaliland oo aad moodo in ay boodhka ka afuufeen  ciidanka iyo saanadiisa oo aan mudo dagaal arkin

 

Warar dheerada oo aanu ka helayno madaxwaynaha cusub ee puntland ayaa waxa uu sheegayaa in uu halkiisa ka sii anba qaadayo wixii heshiisyaa ee maamulka puntland la galay dawladaha dariska la ah iyo shirkadaha calamigaa

Wixii warar ee ka soo kordha heshiiskaas  dib ayaan idiinka soo gudbin doona hadii alla idmo

Abdalla Abu Haniifacabdalejaamac85@hotmail.com

Reporter Abdalla Abu Haniifa 

Office HCTV QATAR

 

COMMENTS
LINKS