Siyaasi Maxamed xaashi cilmi Oo xusbiyada mucaaridka ah u soo Jeediyay In La Qaadaco Wada Hadalada Somaliya
January 26, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS ;Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa labada xisbi mucaarad u soo jeediyay inay go’aan qaadacaad ah ka qaataan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u socda, oo uu tilmaamay inay marin habaabeen.
Maxamed Xaashi, oo shalay hadal ka jeediyay madal uu xisbiga UCID ku soo dhaweeyay taageerayaal cusub oo ku soo biiray kana soo baxay xisbiga KULMIYE iyo qaar ka mid ah ururadii doorashadii deegaanada ku hadhay, wuxuu aad uga digay wada hadaladaas, “Waa in labada xisbi ee mucaaradka ahi ay go’aan ka gaadhaan laba arrimood oo ay ka mid tahay in aan lala shirin Somaliyadan dawlada lagu sheegayo. Waa nimanka yidhi hawadii aan qaybsano,mid ayaan waydiiyay oo aan ku idhi sowta dastuurka qarabka ugu muhiimsani yahay dhulka,badda iyo hawada Somaliland waa lama taabtaan, waxa uu yidhi soynagii inaguba barigii hore Itoobiya la saxeexanay in Ayaxa aynu qaybsano, Ayaxu Itoobiya,Jabuuti iyo inagaba weerar ayuu inagu ahaa, ta labaad haddaynu dawladahaas wax isku qabano waxa jirta maxkamad caalami ah oo lagu kala baxo, Somaliya ma gayn kartid maxkamad caalami ah waayo iyagaaba ku sheeganaaya.” Ayuu yidhi.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Somaliya in aynu la shirnaaba meesha kuma jirto,go’aamadaas ay gaadheen iyo in aan shir lala galin labada xisbi ee mucaaradka ahi waa inay go’aan ka soo saaraan,baarlamankana dadweynuu waa inuu ku kalifaa ciddii ay doorteen inay arintaas fuliyaan oo labada xisbi iyo baarlamanku ay iska kaashadaan oo shirkaas laynaga joojiyo,wixii ay gooyeena la yidhaahdo waxba kama jiraan weeye.”