Shirwaynihii Xisbi Xaakimka Kulmiye Oo Si Rasmi Ah Dib Loogu Dhigay Iyo Xilliga La Qabanayo Oo La Cayimay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirwaynihii Xisbi Xaakimka Kulmiye Oo Si Rasmi Ah Dib Loogu Dhigay Iyo Xilliga La Qabanayo Oo La Cayimay.
January 20, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(wajaalenews) -Shirwaynaha xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa si rasmi ah dib loogu dhigay markii  afraad, ka dib markii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhawaan soo jeediyay in shirwaynaha Kulmiye dib loo dhigo.
Shir ay  isugu yimaadeen guddida qaban-qaabada shirwaynaha xisbigaasi, ayaa waxay ku go’aamiyeen in shirwaynaha Kulmiye la qabto 22-ka bisha saddexaad ee sanadkan, taariikhdaasi oo ah tii uu soo jeediyay Madaxwayne Siilaanyo.
War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga qaban-qaabada ayaa lagu sheegay in dib u dhigidda shirka lagu saleeyay soo jeedintii Madaxwaynaha
War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirwaynaha Kulmiye, Abiibakar Xaamud Jibriil, ayaa u dhignaa sidan “Shir ay isugu yimaadeen guddiga qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga Kulmiye maanta (shalay) oo ay taariikdu tahay 19.01.2014, ka dib markay eegeen soo jeedintii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), markii ay eegeen soo jeedintii Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay xaqiiqsadeen inaanay suurtoobayn inuu qabsoomo shirwaynuhu mudadii u cayinayd oo ahayd 21.01.2014. guddigu waxay go’aamisay in shirwaynaha 3-aad ee xisbiga Kulmiye qabsoomo 22.03.2014.

http://somalilandtoday.com/slt/wp-content/uploads/2014/01/1061837_10152146045093535_1083717031_n.jpg

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS