|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkada Xawaalada Lacagaha ee Juba-Express Oo Deeq Daamur ah Ku Wareejiyey Gudida Dhismaha iyo Hurumarka Wajaale
January 19, 2014 - Written by editorDeeqdan ka kooban daamurka dhismaha jidadka, ee Xawaalada Juba Express soo gaadhsiisay Tog-Wajaale taas oo qeyb ka noqoneysa dhismaha Wadooyinka ka socda
Tog-Wajaale(Wajaale-News)-Shirkada Xawaalada ;Lacagaha Qalaad ee Juba-Express ayaa deeq daamur ah oo ka kooban Daamurka Dhismaha jidadka ugu deeqay Dhismaha Jidka Tog-Wajaale deeqdaas oo ay ka Gudoomeen Gudida Hurumarinta iyo Dhismaha Wadooyinka ee Tog-Wajaale oo kaga Gudoomay Magaalada Gudaha Wajaale oo ay deeqdan keeneen Maamulka Xawaalada Juba-Express.
Deeqdan ka kooban daamurka dhismaha jidadka, ee Xawaalada Juba Express soo gaadhsiisay Tog-Wajaale taas oo qeyb ka noqoneysa dhismaha Wadooyinka ka socda Gudaha Magaalada Tog-Wajaale iyo, Jidka u dhexeeya Wajaale iyo Kalabeydh si ay uga qeyb qaataan gacana uga geystaan howlahan dhismaha jidadka ayaa, si rasmi ah deeqdaasi
ugu wareejiyay Gudida Hurmarinta Degmada Tog-Wajaale ee qaabilsan dhismaha jidadka, oo uu Wehelinayo Xoghayaha D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale.
Maamule Kuxigeenka Xawaalada Juba-Express Muuse Daahir Yuusuf oo deeqdan daamurka ah ee Xawaalada Juba-Express ugu deeqeen Dhismaha Wadooyinka Tog-wajaale ayaa, isagu sheegay in deeqdani ka kooban tahey Daamurka lagu dhiso Jidadka oo Xawaalada Juba ugu soo deeqday kuna darsadeen Dhismaha Wadooyinka, isagoo sheegay in ay kaga qeyb qaateen qeybaha hada la bilaabayo ee dhismahaasi, Waxaanu Maamuluhu carabka ku dhuftey in ay deeqdani dhan tahey Lacag dhan Laba kun oo Dollarka Mareykanka ah, waxaanu xusey in ay ka go,an tahey Xawaalada Juba in ay ka qeyb qaataan Dhis,maha Wadooyinka dalka. Waxa kale oo iyaguna halkaa hadal mahad celin ah uga jeediyay oo ay kaga gudoomeen Deeqdan Daamurka ah Gudida Hurumarinta, iyo Dhismaha Wadooyinka Wajaale, oo sheegay in ay Xawaalada Juba uga mahad celinayaan deeqda daamurka ah ee ay soo gaadhsiiyeen, taas oo ay Xawaaladaha ka filayaan in ay ka qeyb qaataan Dhismaha Jidadka qeybaha Hadhsan.
Wajaale News Desk Contact Us: Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|