Shir siyaasadeed dareeno badan abuuray oo habeenkii xalay ahaa kadhacay magaalada hargeisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shir siyaasadeed dareeno badan abuuray oo habeenkii xalay ahaa kadhacay magaalada hargeisa
January 5, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS Shir siyaasadeed dareemo badan abuuray oo habeenkii xalay ahaa kadhacay magaalada hargeisa

Shir siyaasadeed ay iskugu yimadeen  masuuliyiin farabadan oo ahaa kuwa siyaasada mudo kusoo jiray ,aqoon yahan islamarkaana ah siyaasiyiin bulshada samayn kule ayaa habeenkii xalay kulan ku yeeshay hudheel mansoor ayaan la shaacin ujeedadiisa hadaba kulan oo abuuray dareeno kala duwan bulshadu aad isku waydiinaysa ayaa ahaa mid aan sixaafada loo ogolayn

Sida ilo xogogaalihi no xaqiijiyeen ayaa ujeedadiisu ahayd sidii oo ladar dar galin lahaa siyaasada beesha sacad muuse isla markaana loo qiimayn lahaa halka ay taagan tahay siyaasada beesha sacad muuse oo ahayd beeshii taageerada siisay xiligii doorashada xusbiga kulmiye islamrkaana xoog badani kagalay xusbigaa ,wax yaalaha kale ee laga dooday ayay ilo wareedyadu sheegayaan in gudi siyaasadeed laga soosaaray shirkaa xalay kadhacay mansoor

Gudidaa ayaa waxa lashegay in ay kashaqay doonan sidii siyaasad ahaan loo qiimayn lahaa beesha ay kasoo geedaa masuuliyiintan, siyaasadeedu halka ay marayso xiligan xusbigii kulmiye maxaa uga meelyaala mustaqbalkiisa meelo kale oo siyaasad ahaan beesha udana majiraan,

doodahan ayaa ah kuwa layswaydiiyay,Siyaasiyiinta ayaa waxay halkaa kamagacaabeen gudi shan xubnood kakooban xubnaha gudidaa kadhexmuuqda ayaa waxaa kamida gudoomiyihii hore ee urursiyasadeedkii dalsan ISMACIIL AADAN CISMAAN,DR, MUUSE QAASIM OMER IYO masuuliyiin kale oo anan magacaan tooda helin

Shirka ayaa ah mid abuuraya tuhun siyaasadeed iyadoon lagaray u jeedadooda rasmiga ah iyo waxa ay damac sayihiintoona

ARINTA ayaa kusoo beegmaysa xili ay siyaasada Somaliland baaxaaa dagayso bulshadu aad u dareemayso xukuumadii ay doorteen oo ku dhex mashquushay hawlmaal meelkiidii iyadoo ay murano xooganina kataagan yihiin gobolka togdheer caasimadiisa burco hargeisana bulshadii kacabaynayso biyo la,aan

Lama oga halka ay kudanbaydoonto siyaasada dalka oo ah mid baaxadagaysa iyo jaha wareerka bulshada haysta,iyoguuxa siyasadeed ee isasoo taraya.

WAJAALENEWS  DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS