|
|||||
WAJAALE NEWS
Shir Ceeri-gaabo uga furmaya Ururka Dowladaha Hoose ee Somaliland
January 31, 2014 - Written by Editor:WAJAALENEWS ;Wefti uu hoggaaminayo maayarka magaalada Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaaladda Ceerigaabo gobolka Sanaag. Weftigan ka kooban maayiradda dalka iyo dhawr wasiir ayaa shir sanadeedkooda ku qabsan doonna magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kuwaas oo ku faaqidda doono waxyaalihii u qabsoomay mudadii ay xilka hayeen. Weftigan maayiradda waxa degmadda Ceel afweyn kaga hortagay badhasaabka gobolka Sanaag, gudoomiyaha degmadda Ceel afweyn, xildhibanadda golaha deegaanka iyo dadweyne faro badan, kuwaas oo usoo galbiyey magaaladda Ceerigaabo. Guddoomiyaha degmadda Ceel afweyn Baashe Xandulle Xasan, xoghayaha degmadda iyo badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Muxumed Dacar ayaa si balaadhan ugu soo dhoweeyey gobolka Sanaag, gaar ahaan degmadda Gar adag iyo Ceel Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag. Badhaasaabka gobolka Sanaag Axmed Dacar, ayaa sheegay inuu fursad u yahay shirkan ay magaaladda Ceerigaabo ku qabsanayaan maayiradda dalka. “Shirkan maayirada fursad weyn bay noo tahay, waxaana ka filayaa marka ay maayiradu noqdaan inay degmooyinkii ay ka yimaadaan ku booriyaan inay qaadhaankii wadadda Ceerigaabo ugu yaboohaan”ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Dacar. Maayarka Caasimadda Somaliland Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltleco) ayaa ka warbixiyey ujeedada safarkooda iyo muhiimada ay u tahay inay shir ku qabsadaan magaaladda Ceerigaabo. “Shirkan waa shirkii sanadlaha ahaa ee dawladaha hoose, ujeedayadu waa in aan hay’adaha u sheegno in la tagi karo oo wax laga qaban karo, waayo hay’addo ayaa yidhi lama tagi karo laascaanood iyo Ceerigaabo, waxaana u sheegayaa in labada degmo doorasho ka dhacday, meeshu waa Somaliland oo khilaaf kama jiro waxana u sheegaya in dhamaan maayaradii dalku ku shirayaan Ceerigaabo”ayuu yidhi maayarka Hargeysa Caydiid oo ka hadlayey ujeedada ay maayiradda dalku ugu shirayaan Ceerigaabo. Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah maayiradda, wasiirka Gaashaandhiga iyo wasiiruldawlaha Maaliyadda Saxardiid Cadaani oo ka warbixiyey ujeedada safarka, waxanay sheegeen inay la dareemayaan baahidda wadooyin la’aanta ka jirta gobolka Sanaag. Dhinaca kale, waxa jidka ku qalibmay gaadhigii uu watay Maayirka Laascaanood ee gobolka Sool, inkasto la sheegay inuu dhaawac fudud soo gaadhay, balse warbaahinta kama uu hadal. Si kastaba ha ahaatee, shirkan ayaa ah mid sanadle ah oo sanad kasta maayiradda degmooyinku ku shiraan, isla markaana isku waydaarsadaan khibrad iyo talooyin ku aadan maamul daadajinta. WAJAALENEWS DESK EMAIL;wajalenews@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|