Shir aan guul ka sugayaa ma jiro, Ina San-weynoowe Qalinkii faysal cumar madar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shir aan guul ka sugayaa ma jiro, Ina San-weynoowe Qalinkii faysal cumar madar
January 29, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS

Arin  eebbe  u daa, da’daalna waa adiga aragtidaydii u danbaysay waxaan kaga hadalayay doorka ay leeyihiin ururada maxaliga ah ama (LNGO’s) iyo Jamacada dalka ee habka aynu u wajahayno aqoonsi raadinta ama sida aynu u waajahayno bulshada caalamka, inkasta oo aanan dublamaasi ahayn hadana waxa aan cabirayaa fikirkayga ku wajahan hawshaa baaxadaa leh.

 

Ugu horayn  qarankan Somaliland waa dal leh qaramada dunidu leeyihiin dhisme ahaan ha liiteen hana yaraadeene lakiin waa taagteen, iyadoo dadka xaga kale inaga taagini aysidaa sika duwan u arkaan hadana qof kasta qumanihiisa qoorta u saran. Maqaalkan oo aan isleeyahay waxka tilmaan meelaha aynu ku liidano qaran ahaan ee waliba xukumada taladda haysaa masuulka ka tahay sida:

I.            Xukumada waxa looga fadhiyaa in ay samayso aqoonsi raadinta ka horow siyaasad furfuran oo leh meel ayka bilaabanto iyo meel ay ku dhamaanayso oo leh ujeedooyin qeexan oo  ku jihaysan goob macayina oo hadaf qaran laga leeyahay.

II.            Xukumadu waa in ay abuurtaa jawi nabdoon oo lagu wada qanacsan yahay intii taagtood ah oo salka ku haysa cadaalad iyo sinaan qaranimo lagana wada raaliyahay gobolkasta iyo reerkasta oo Somaliland dagaa.

III.            Xukumada waxa waajibku ah  in kalsooni u abuurto aanay dan qaran laga leeyahay oo salka ku haya midnimo iyo daacad aan siyaasadaysnayn ama aan ahayn dhalaan habaabista imika mararka qaar muuqata , waxa kale oo muhim ah in ay dawladu dadkeeda u abuurto rajo lagaadhi karo oo lamalayn karo suurtagal nimadeeda dhaw .

IV.            Waxa lagama maarmaana in go’aanka  gooni isutaagu noqdo mid dadka u ah mabda ay wada qaateen oo aanay cidgaara ama gobol dan u ahayn ee loo muujiyo bulshada in ay inoo wada dan tahay oo lasheego dadkana lagu booriyo in u jeedadu gooni isu-taagu ahayn oo kaliya waa lanalaayay ee si cilmiyana dadka loogu wada qanciyo laguna wacyigaliyo in ay inta Somaliland dagtaa tahay dad isku dan iyo ujeedo ah iskuna dhib (problem) ah oo aanay u qaadan in hadii Somaliland la ictiraafo aanay cid gaara u irmaanayan ee lawada maali doono layskana wada dhex ariki doono.

V.            Musuqa iyo qaraaba kiilka jiraa imika waa wadada khalkhal galinta hadafkeena ah qaran madaxbanaan waayo, hadii xukumada iyo qaybaha bulshada qaar ka midii ay danno gaara ku lumiyaan qiimihii qaran kulumiyaan shilimo aan raashin mooyee waxkale u goynayn, hadii maalinkasta layidhaa manhajkeenii  kii xamar ayaa lagu wada samaynayaa oo hadana layidhaa diwaangalinta xamarkasocota iyo garoowe ayaa hargeisana laga bilaabayaa oo aynaan lahayn wa inooga meel yaala oo ururadii bulshadu yidhaahdaan xeerarka reer xamarku dalbadaan ee lacagaha ku doonayaan aynu Somaliland usoo rarno.

VI.            Hadiiba layna afduubo ama talo xumo ina shisho maxaa kale ee inoo meel yaala ama inoo tallo ah waa hadii ay hadii hadii noqonwaydo weeyaan

Gunaanadkayga waxaan leeyahay bulshooy hadii intaasoo goddaloola ah oo aniga ii muuqdaa jiraan ma waxay ahayd in aynu shirar lagalno dawladaa Somalia mise  ilayn intaanad geedka tagin ayaa gartaada lasii eegaabaa layidhee maxaynu yeelnaa, bal iswaydii su’aalahan:

Akhriste doorkeed leedahay shakhsiyan ama kooxda aad ka tirsan tahay ma kuu muuqataa qabyo aan ka tagay ama aan dhinac maray anigu oo adiga kuu muuqdaa ?

Hadiiba xarunta golaha wakiilada ee xamar loo bixiyay HARGEISA, maxaad adigu ugu bixin wayday goobaha qarankeena meelka mida XEEBTA JASIIRA  ee muqdisho sida lasheegay ku taal ee dadkaagii lagu isir dilay xili kacaankii lawada lahaa dalka u talinayay.

Maqaalkan waxaan kusoo afmeerayaa tuduc kamida gabaygii saxansaxo ee gaariye rabowkuu naxariiso :

 

Solimayso waanadu dheg aan, uba samaysnayne

Maantana sursuurtaan ka digay, gelise saantiiye.

Shir aan guul ka sugayaa ma jiro, Ina San-weynoowe

Onkod samalaheed igaga daran, saac-ma-bixiyaane

Sagaalkaad murmayseenba waa, saymo-lagu-reebye.

Surdubada dhexdeeda ah hadday, saarto nacabkeeda

Mar horaan siraadkii ka damay, daari laa Surade

Nin bahdiisu suuqaw gashaan, saajac noqonayne;

Ilaah baa dabkoodii sandahay, soocankaan diraye

Saddal-caaligii loo fadhiyey, suurta-geli waaye;

Inta hebelba Ina Saalaxoow, hebel sadhaynaayo

Een laga sal-gaadhayn mar qudh ah,

dooddu waa sino’e.

QALINKII FAYSAL CUMAR MADAR

faysal cumar madar (qumuj81@hotmail.com)

COMMENTS
LINKS