|
|||||
WAJAALE NEWS
-SAXAAFADEED; Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Dhaqan-xumada
January 17, 2014 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED HARGEISA WAJAALENEWS Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Dhaqan-xumada oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Waxaanu Madaxweynuhu Magacaabistan Gudida ku yidhi Mudanayaal,
Waa xilka Xukuumadda in laga hortaggo cid-kasta oo anshax-xumo ku abuuraysa Bulshadda Somaliland dhexdeeda, isla markaana waxaa lagama-maarmaan ah in Xukuumaddu ka hor-tagto dhaqan-xumadaas.
Haddaba, aniga oo ka duulaya qodobka 5aad ee Dastuurka Qaranka iyo warbixinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Hay’adaha Aminiga ee Qaranka, waxaan idiin magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Anshax-xumada.
Sidaas darteed mudanayaal, waxa aan idin farayaa in aad wax-ka qabataan dhaqan-xumadaas oo Qaranka laf-jab ku ah, idinka oo waafajinaya shuruucda dalka.
XUBNAHA GUDIDU KA KOOBAN TAHAY
ALLAA MAHAD LEH WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:Waxgaradka Iyo Dhalinayarada Gobolka Awdal Oo Soo Saaray War Murtiyeed Ay Kaga Hadlayaan Xaalada Dal... Daawo:Weedhihii C/raxmaan Ciro Ka Yidhi Kulankii Komishanka Doorashooyinku La Qaateen Sadexda Xisbi ... Madaxweynaha Jsl Oo Kormeeray Xarumaha Taariikhda Keydka Qaranka iyo Taaladda Diyaaradda ee badhtam... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|