Sarkaal-Gaashaale-Ah-Oo-Ka-Tirsanaa-Ciidamada-Somaliland-Oo-Lagu-Soo-Daray-Xukuumadda-Cusub-Ee-Garowe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sarkaal-Gaashaale-Ah-Oo-Ka-Tirsanaa-Ciidamada-Somaliland-Oo-Lagu-Soo-Daray-Xukuumadda-Cusub-Ee-Garowe.
January 30, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS Xubnaha golaha wasiirada ee uu Madaxweynaha maamulka Puntland ee Salaasadii ku dhawaaqay ayaa waxa ku jira dhawr xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka soo horjeeda aayo ka tashiga shacbigooda Somaliland.

Hase yeeshe waxa si gaar ah uga dhex muuqda sarkaal ka tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland kana mid ahaa saraakiishii qaadatay darajooyinka ciidan, kaas oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka amniga Mr. Cabdicasiis Maxamed Aaden oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Sool ayaa wuxuu ahaa gaashaanle ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland.

Cabdicasiis Maxamed Aden, waxa ay walaalo yihiin Mr. Dalbac oo isna ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada qaranka oo isaguna sannadkii 2012 laba baabuur oo tikniko ah kala goostay ciidanka Somaliland, lana galay magaalada Buuhodle oo ay kooxo Somaliland diid ahi ku soo dhaweeyeen Sarkaalka.

si kastaba ha ahaatee marna xubno Somaliland ka soo jeeda oo hunguriga la talaabay marna ka madhnaadan xukumada loo dhiso maamulada somaliya,iyadoo magacaabistii xukuumadda cusub ee iyna muqdisho sidan oo kale xubno waliba ka tiro badan kuwan lagu soo daray.

 

COMMENTS
LINKS