Safiirka France u fadhiisandoona Somalia oo waraaqihii aqoonsiga guddoonsiiyay madaxda somaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka France u fadhiisandoona Somalia oo waraaqihii aqoonsiga guddoonsiiyay madaxda somaliya
January 15, 2014 - Written by Editor:

muqdisho(WAJAALENEWS Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha dalka Faransiiska u joogi doona Soomaaliya, Remi Marechaux. Iyadoo goobta ay ku sugnayd wasiiradda sii haysa xilka wasaaradda arrimaha dibadda Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Danjiraha Fransiiska ayaa markii uu u gudbinayay waraaqihiisa aqoonsiga sheegay inuu madaxweynaha France, Francois Hollande u soo magacaabay xilkan isla markaana uu u sido farriin madaxweynaha Soomaaliya. Safiirka ayaa u sheegay madaxweynaha in dowladda Fransiiska ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka qotada-dheer ee labada dal iyo sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa.

“Booqashadaada maanta waxay calaamad u tahay horumarka ballaaran ee Soomaaliya ku tallaabsatay. Waana ka mahad-celineynaa sida Fransiiska ay diyaarka ugu yihiin inay Soomaaliya ka taageeraan dhanka amniga, xasilinta iyo maal-gashiga,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo hadal jeediyay.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa mar kale yidhi: “Fransiiska waa dal il-bax ah oo maanta doonaya inuu maal-gashi ku sameeyo Somalia si loo horumariyo ganacsida iyo kheyraadka dalka. Waxaan ka mahadcelineynaa dadaallada Franca ay ku doonayso inay kor u qaado nidaamka Bankiga Dhexe ee Somalia, waxaana rajeynayaa in wadahadalladaas ay noqdaan kuwo miro-dhal ah.”

Danjiraha Faransiiska ayaa isna sheegay inay madaxweynaha uu ku casuumi doonaan dalka Fransiiska si xiriirka labada dal loo sii xoojiyo. Kulanka kaddib ayaa safiirka Fransiiska iyo wasiiradda arrimaha dibadda waxay shir jaraa’id ku wada-qabteen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa shirkooda kaga hadlay horumarka ay Soomaaliya halkii sano ee lasoo dhaafay ku tallabasatay iyo sida ay calaamkku u doonayaan in ay safaaradahooda dib uga furtaan Soomaaliya.

WAJAALENEWS DESK

MUQDISHO OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS