|
|||||
WAJAALE NEWS
Saddex ruux oo lagu la’yahay dab ka kacay dhisme ay deggenaayeen dad u badan Soomaali oo ku yaalla Magaalada Mineapolis
January 2, 2014 - Written by Editor:hargeisa(wajaalenews)— Dab shalay ka dhacay dhisme weyn oo dad u badan Soomaali ay deggenaayeen kuna yaalla xaafad ay u badan yihiin dadka Soomaalida ah ee Minneapolis oo loo yaqaan Cedar ama Riverside ayaa lagu la yahay illaa hadda saddex qof oo labo ka mida ay Soomaali yihiin, kuwaas oo aan la ogeyn halka ay jiraan, iyadoo dhaawacyada la gaarsiiyay isbitaalka magaalada ay gaarayaan 14 qof. Shir jaraa’id ay arrintaa uga xun yihiin si wadajir ah u wada qabteen labada duq magaalo tan la doortay, Bets Hodges iyo duqa xilka ka dagaya R. T. Rybak waxaana ku weheliyay Cabdi Warsame oo ka mid ah golaha deegaanka magaalada Minneapolis waxayna wada xuseen in xanuun ku hayo dhibta dhacday. Guriga gubtay waxaa ku hoos yaallay dukaan lagu magaaci jiray Utanga Halal Market oo aad looga adeegan jiray mid ka mid ah milkiilasha dukaanka Maxamed Xuseen ayaa u sheegay inaan la garan karin karin waxa dabka, isagoo intaas ku daray in dabkii uu baabiyay dabka. Dad ka ag-dhaw guriga ayaa sheegay in ugu horreyn la maqlay wax qarxay oo noqon kara shooladaha gaaska ama qalab ka korontada ku shaqeeya, waxaa illaa hadda la garan karin qasaaraha ku yimid masjid darul-hijra oo ku dheggenaa dhismahaas gubtay. Waxaa xiran agagaarka dhismaha uu dabku qabsday illaa xalayna qiiq fara badan ayaa ka baxayay gudaha dhismaha. Waxaan isku daynay inaan la xiriirino milkiilaha dhismahaa oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magaacabo, Garaad Jaamac noomana suuro-gelin, Wixii warar ah ee kasoo baxa ciidamada iyo dadka la la’yahay dib ayaan idin kaga soo gudbin doonnaa. WAJAALENEWS DESK Related posts:Ganacsade Suudaani Ah Oo Dawlada Ka Codsaday In Loo Soo Qabto Nin Reer Somaliland Ah Oo Lacag Ka Soo... Waxka Baro Taariikhda Maareeyaha Cusub Ee Haayada Duulista & Madaarada Jsl Duuliye Sare Cabdi Maxame... R-Wajaale: Darsigii 5-Aad ee Duruusta Taxanaha, Waxaanu ku Saabsan Yahay Fadliga Soonka
..Sheekh Max... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|