|
|||||
WAJAALE NEWS
Sacuudiga oo uu ka dhacay Dhul-Giriir (Earthquake) lagu qiyaasay quwadiisa 5.1
January 24, 2014 - Written by Editor:Jeddah,Saudi-Arabia,Wajaalenews; Galabnimadii Khamiista Waqtiga Sucuudiga 06:00, ayaa waxaa dhacay Dhul-Giriir Quwadiisu ahayd 5.1 Richter Dhul gariirkaasi oo ka dhacay Bariga Magaalada Jizan dhinaca Baadiyaha una jirey Cabaaraa 30 KM & Magaalooyinka Sabya,Abu-Cariish & Fiifa una jirey Cabaaraa 25 – 15KM,. Dhul-Giriirkaa oo aad u Xoog Badnaa Dadweynihii Magaalooyinkaa Degganaa wuxuu ku abuurey Argagax & Cabsi Xooggan markii ay wada dareemeen Guryihii & wixii dhex yiilley oo wada ruxmaya Ilbiriqsiyo qaarna xitaa Saqafka Gurigiisa soo dumey ama Irridyihii & Dariishooyinkii burburey! Nasiib Wannaag ilaa & hadda Cid ku dhimatey lama sheegin waayo Dhul-Giriirkaa wuxuu ka dhacay Meel Baadiye ah ee ka yara fogaa Magaalooyinkaa aan kor ku soo xusney… isla Maanta Hay,adaha ku shaqada leh ayaa qabtey Meelihii uu ka dhacay Dhul-Giriirkaa si ay usoo qiimeeyaan wixii halkaa ku burburey Mood & Noolba. Dhul-Giriirkaa wuxuu ku koobnaa oo keliya Gobalada Koonfureed ee Sacuudiga dhinaca Xuduuda Yemen-ta Woqooyi sidii horeba lagu Magacaabi jirey inta ayan Midoobin Labada Yemen. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:Madaxwayne farmaajo Oo Kulan Layeeshay Gacan Ku Dhiigle Col Tuke Oo Maxkamadi Ku Heshay Xasuuqii Uu ... Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo Booqday Dadkii Dhaawacyadu Kasoo Gaadheen Rabshadihii Dhawaan Ka... DAAWO; Hantidhawraha Guud Ee Somalia Oo Sharaxay Sobobta Uu UDiiday Xilka Qaadistii Lagu Sameeyay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|