Sacuudiga oo uu ka dhacay Dhul-Giriir (Earthquake) lagu qiyaasay quwadiisa 5.1 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sacuudiga oo uu ka dhacay Dhul-Giriir (Earthquake) lagu qiyaasay quwadiisa 5.1
January 24, 2014 - Written by Editor:

Jeddah,Saudi-Arabia,Wajaalenews; Galabnimadii Khamiista Waqtiga Sucuudiga 06:00, ayaa waxaa dhacay Dhul-Giriir Quwadiisu ahayd 5.1 Richter

Dhul gariirkaasi oo ka dhacay Bariga Magaalada Jizan dhinaca Baadiyaha una jirey Cabaaraa 30 KM & Magaalooyinka Sabya,Abu-Cariish & Fiifa una jirey Cabaaraa 25 – 15KM,.

Dhul-Giriirkaa oo aad u Xoog Badnaa Dadweynihii

Magaalooyinkaa Degganaa wuxuu ku abuurey Argagax & Cabsi Xooggan markii ay wada dareemeen Guryihii & wixii dhex yiilley oo wada ruxmaya Ilbiriqsiyo qaarna xitaa Saqafka Gurigiisa soo dumey ama Irridyihii & Dariishooyinkii burburey!

Nasiib Wannaag ilaa & hadda Cid ku dhimatey lama sheegin waayo Dhul-Giriirkaa wuxuu ka dhacay Meel Baadiye ah ee ka yara fogaa Magaalooyinkaa aan kor ku soo xusney… isla Maanta Hay,adaha ku shaqada leh ayaa qabtey Meelihii uu ka dhacay Dhul-Giriirkaa si ay usoo qiimeeyaan wixii halkaa ku burburey Mood & Noolba. Dhul-Giriirkaa wuxuu ku koobnaa oo keliya Gobalada Koonfureed ee Sacuudiga dhinaca Xuduuda Yemen-ta Woqooyi sidii horeba lagu Magacaabi jirey inta ayan Midoobin Labada Yemen.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS