Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Oo Waftiga Uu Hogaaminaayo Madaxwaynha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Ku Soo Dhaweeyay Heer Uu sareeyo Maqaamkiisu:: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Oo Waftiga Uu Hogaaminaayo Madaxwaynha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Ku Soo Dhaweeyay Heer Uu sareeyo Maqaamkiisu::
January 12, 2014 - Written by Editor:
Faallo :–Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Oo Waftiga Uu Hogaaminaayo Madaxwaynha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Ku Soo Dhaweeyay Heer Uu sareeyo Maqaamkiisu::-
 
•Hadaba ma laga Yaaba Inuu dalka Ethiopia noqdo Kii ugu horeeya ee aqoonsada somaliland?
 
 
•Dawlada Ethiopia waa Maxay faa’idada ugu jirta aqoonsiga somaliland?
 
•Xidhiidh intee leeg ayaa ka dhaxeeyay somaliland Iyo Ethiopia oo soo jireen Ahaa?
 
•dhaqaalaha labada dal Maxay is dhaafsan karaan madaama Somaliland leedahay bad Iyo dekado aad ugu muhiim ah madaqada geeska afrika sida Berbera port?
 
•iskaashiga labada dal oo awal ba meel fiican maraayay Maxay ku sii kordhin karaan dhinca dhaqaalaha Iyo iskaashi cusub?

Hadaan Isku dayo inaan ka yara jawaabo su’aalaha waxay ila Tahay in raysal wasaaraha dawlad Ethiopia yahay nin aad ugu dhuun daloola somaliland ogsoona qiimaha ay u leedahay dalkiisa Iyo dadkiisa in la xoojiyo xidhiidhka labada dal ,sidoo kale waxa uu somaliland ka heli Donaan FAA’ido badan oo dalkiisa Iyo dadkiisaba anfacda hadii uu noqdo Raysal wasaaraha Ethiopia Iyo dalkiisu dawladii ugu horaysay ee ku dhawaaqda aqoonsiga somaliland.”
 
Waxaa ka mid ah faa’idada uu dalka Ethiopia ka heli lahaa Somalilnd bada Iyo is dhaafsi buuxa oo dhinca dhaqaalaha oo ay lada dalba ka faaidi lahayeen.’
 
Madaxwaynaha Dawlada Somaliland Iyo Shacbkiisu waxay ogyihin abaalka fiican ee dawlada Ethiopia u gashay xiligii halganka ee dalk Somalilnd laga xoraynaayay kaligii taliye siyaad bare ilaa Iyo hadna labada dal somaliland Ethiopia waxaa ka dhaxeeya iskaashi aad u fiican oo dhinacyo badan leh.
 
Hadaba waxaa la gaadhay xiligii Somaliland beesha Caalamka ka heli lahayd aqoonsi waana muuqata sansankiisi ee Shacbka reer somaliland qof walooba Iska Saar xil gaara Hana ka daalina aqoonsiga aad ka sugayaaan Caalamka maalin ayuu iman Donaan aan fogayn Inshallh.”
 
Qore: Abdilahi osman Abokor.

COMMENTS
LINKS