Ra´iisul wasaare Cabdiwali oo la siiyay waqti dheeri ah oo uu ku soo dhiso xukuumadiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra´iisul wasaare Cabdiwali oo la siiyay waqti dheeri ah oo uu ku soo dhiso xukuumadiisa
January 11, 2014 - Written by Editor:

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta golaha u codeeyay in 10 maalin loo kordhiyo xilliga raysul wasaaraha Soomaaliya uu ku soo magacaabi lahaa golihiisa wasiirrada.

Muqdisho(wajaalenews)Baarlamanka Somalia ayaa waqti dheeri ah siiyay ra?iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdiwali Sheekh Axmed kaas oo uu ka dhacay waqtigii loo qabtay in u ku soo dhiso xukuumadiisa.

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta golaha u codeeyay in 10 maalin loo kordhiyo xilliga raysul wasaaraha Soomaaliya uu ku soo magacaabi lahaa golihiisa wasiirrada.

Afayeenka baarlamaanka Somalia,Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa baarlamaanka u akhriyay warqad codsi ah oo uu raysul wasaaraha ku dalbanayay waqti kordhinta.

Sida uu shaaciyay Jaawaari 142 xildhibaan ayaa u codeysay codsiga raysul wasaaraha, halka saddex mudane ay ka aamustay.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo golihiisa wasiirrada maalmaha soo aadan.

WAJAALENEWS DESK

CONTACT;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS