Rabshado Ciidamada Booliska Iyo Ganacsatada Suuqa Jaamac Gunti Ee Magalada Hargeysa Dhexmaray Iyo Dad Ku Dhaawacmay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rabshado Ciidamada Booliska Iyo Ganacsatada Suuqa Jaamac Gunti Ee Magalada Hargeysa Dhexmaray Iyo Dad Ku Dhaawacmay.
January 16, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-Rabshado ayaa maanta ka dhacay suuqa Jaamac Gunti ee xaafada Xero Awr ee magalada Hargeysa,ka dib markii cagaf-cagafyada Dawladda Hoose ay galeen suuqaasi oo ay burburiyeen goobo ganacsi oo halkaasi ka agdhawaa wada maalida ah.

rabshado ka dhacay xero awr

Dadka suuqaasi ku ganacsada iyo dadwayne kale ayaa dhag xaan iyo shiid kala hor yimid ciidankaasi iyo cagaf cagafyada dawladda Hoose ee Hargeysa,iyadoo markii dambe halkaasi la geeyay ciidamo Boolis ah oo farabadan,kuwaasi oo rasaas nool oo ay dadka ku gala eryayaan ridayey,ilaa iyo inta la xaqiijiyey shan qof oo shacab ah oo dumar u badan ayaa ay soo gaadheen dhaawacyo fudud,oo aan wayneyn,iyadoo ay markii dambe duhurnimaddi maanta Rabshadahaasi sii ballaadheen oo wada dheer ee qabata Hotel Maansoor lagu gooyey taayiro la gubay.
Hadaba wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco wajaalenews.com

COMMENTS
LINKS