|
|||||
WAJAALE NEWS
Qoys Soomaali ah oo ku Geeriyooday Shil Gaadhi oo ka dhacay Dalka Mareykanka
January 11, 2014 - Written by Editor:WAJAALENEWS— ALLAHA u naxariistee qoys ka koobanaa afar ruux oo Soomaali ah ayaa shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaaladda Clermont ee gobolka Iowa ee dalka Mareykanka, kaddib markii gaarigii ay wateen uu ku dhacay gaari kale oo nuuca xamuulka ahaa. Sida uu sheegay booliska degmada Fayatte ee magaaladda Clermont Allaha u naxariistee Shariif Xuseen Warsame oo ahaa darawalkii dadka geeriyooday ayaa jidka ku celin waayay gaariga, isagoo kaddibna ku dhacay gaariga kale, waxaana la geeriyooday hooyadiis Khadiija Maxamed, iyo habaryarihiis oo kala ahaa Miski Maxamed iyo Maryan Kullane. Shaqaalaha gurmadka caafimaadka ee magaaladaas waxay sheegeen in wax nolol ah aan loogu tagin, iyadoo dhammaantood ku naf waayay isla goobtii shilku ka dhacay. Qoyskan ayaa wararku intaas ku darayaan inay u socdeen warshad ay shaqeynayeen. Illaa iyo hadda ma jirto warbixin intaas dheer oo ka soo baxday hey’adaha ay khuseyso, hase ahaatee waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo sababaha shilka keenay. Waxaa iyaguna dhawacyo halis ah uu soo gaaray darawalkii baabuurka kale oo magaciisa lagu sheegay Alan Shclee iyo kaaliyihiisii Pamela Ann, iyadoo la dhigay isbitaala Palmer Hospital. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa inta badan gobolada Mareyka ka dhacayay baraf iyo dabeylo aad u qaboow, iyadoo jidadka qaarna ay weli adagtahay in la maro, madaama uu baraf sidib ah ku dhagan yahay.
WAJAALENEWS DESK CONTACT;wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo:Majaajilaystayaasha Caanka ah Ee Sooraan Iyo Jawaan Oo Habeenkii Xalay Wacdaro Ka Dhigay Qasri... Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo Udiray Shacabka Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka– 1443-ka. ... “Dawladnimada Waxaa Kaliya Ee Lagula Kala Wareegi Doonaa, Doorasho Xor Ah Oo Dhacda''Wasiirka Warfaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|