|
|||||
WAJAALE NEWS
Qarax ka dhacay Pakistan oo gaystay dhaawac iyo dhimasho
January 19, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS ;Boliiska Pakistaan ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan askari in lagu dilay qarax bambaano ka dhacay gaari milatari waqooyi galbeed Pakistan. In ka badan soddon kale ayaa dhaawacantay. Qaraxa ayaa dhacay markii gaari waday ciidan uu ka baxayay xero ammaan oo ku taal waqooyiga Waziristan ee gobolka ay degan yihiin qabiilada. Talibaanka Pakistaan ayaa sheegay inay weerarka qaadeen. Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka, ayaa sheegay inaan la hubin in qaraxa uu sababay qof is qarxiyay iyo in bambaano lagu qarxiyay. WIXII KASOO KORDHA QARAXAN KALA SOCO WAJAALENEWS HARGEISA OFFICE WAJAALENEWS DESK EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:Madaxwaynaha Somaliland oo Xadhiga ka jaray Jidka Dawga Cad Wajigiisa Koowaad oo la dhammeeyey + Saw... DAAWO; Masuul Katirsan Xukuumada Oo farta Ku fiiqay Sida Uu Wasiirka Maaliyada Uga Been Sheegay Miis... DAAWO; Maamulka Iyo Ardayda Dugsiga New Gabiley Oo Cabasho Xoogan ka Muujiyay Dhibta ka Haysata Dayr... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|