Qarax ka dhacay Pakistan oo gaystay dhaawac iyo dhimasho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax ka dhacay Pakistan oo gaystay dhaawac iyo dhimasho
January 19, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS ;Boliiska Pakistaan ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan askari in lagu dilay qarax bambaano ka dhacay gaari milatari waqooyi galbeed Pakistan.

In ka badan soddon kale ayaa dhaawacantay.

Qaraxa ayaa dhacay markii gaari waday ciidan uu ka baxayay xero ammaan oo ku taal waqooyiga Waziristan ee gobolka ay degan yihiin qabiilada.

Talibaanka Pakistaan ayaa sheegay inay weerarka qaadeen. Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka, ayaa sheegay inaan la hubin in qaraxa uu sababay qof is qarxiyay iyo in bambaano lagu qarxiyay.

WIXII KASOO KORDHA QARAXAN KALA SOCO WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS