Prof: Samatar Oo Quus Ka Muujiyay Natiijo Ka Dhalata Wadda-Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Turkiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof: Samatar Oo Quus Ka Muujiyay Natiijo Ka Dhalata Wadda-Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Turkiga
January 15, 2014 - Written by Editor:

London(wajaalenews) -Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inaanay dawladaha Soomaaliya daacad ka ahayn wada-hadaladda u dhexeeya Somaliland. Sidaa darteed-na, walaac ka muujiyay in wax natiijo ah laga gaadhi karro.

Prof Axmed oo waraysi siiyay Tv-ga Universal ayaa waxaa hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “Wada-hadaladaasi, maaha kuwo wax natiijo ahi ay ka soo bixi doonaan, mana aha kuwo dawladda Soomaaliya ay daacad ka tahay, sababtoo ah ilaa imika kama hadlaan waxyaalaha keenay inay Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale, ismana weydiiyaan sidii dib loogu soo celin lahaa Somaliland.

Muddo badan ayaan dhex joogay nimankaasi koonfurta xukuma, mana laha wax garad hindisaya ama garanaya waxa wadahadaladani yihiin, waxayna inta badan isku qanciyaan in Somaliland la siiyo hambada ka soo hadha  iyaga, sidaa darteedna wadahadaladaasi maaha kuwo isku keeni karaya dalka, waana wixii marka hore ay Soomaaliya uga go’een reer Somaliland, laba wasiir oo Turkiga ku sheekaystaana waxba uma keeni karaan labada dal.”

Prof. Samatar oo wax laga weydiiyay mustaqbalka Somaliland iyo horumarkeedda ayaa sheegay in reer  Somaliland wax badan qabsadeen, waxa badanina u hadhsan-yahay, meel kastana calaamadaha dawladnimadda lagu arkayo, “Waxayse is weydiintu tahay ilaa intee ayay dawladnimada Somaliland sii jiri kartaa, midnimadeedu sii jiri kartaa, horumarkeeduna sii jiri karaa.?” Ayuu is weydiiyay, waxaana uu sheegay inuu wadnaha farta ku hayo “Sababtoo ah 70%-hadii dhallinyaraddu shaqo la’dahay, kuwii jaamacadaha ka soo baxay iyo ama dugsiyada sare ka soo baxay is dulfuulaan  waxay qarka u saaran-yihiin inay saddex arrimood mid uun yeelaan, inay is qarxiyaan, waayo is qarxintu waa qanac, inay  badaha isku guraan iyo in yaxaas ku cuno badaha, waxay yidhaah daan, Yaxaas iyo Yurub midkood uun, sidaa darteed ayaa Farxadda  Somaliland aan ku farxay iyo naxdinteedu iskugu kay garab yaallaan, sidaa darteedna waa in qorshe shaqo loo helaa dhalinyaradaasi.”

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS