|
|||||
WAJAALE NEWS
Nuxurka Shir Xabad Joojin Ah Oo Uu Urrur Gobileedka IGAD Ku Dhex-Dhexaadinayo Dhinacyada Ku Dagaalansan Dalka South Sudan Oo Ka Furmay Addis Ababa.
January 3, 2014 - Written by Editor:Addis Ababa-(wajaalenews)- Dhinacyada ku kulmay Addis Ababa, ayaa ah wufuud ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha dalka South Sudan Addis Ababa-(wjn)- Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa waxa ka furmay wadahadalo ay gadh-wadeen ka yihiin Urrur Goboleedka IGAD, oo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada ku dagaalansan dalka curdinka ah ee Koonfurta Sudan, Dhinacyada ku kulmay Addis Ababa, ayaa ah wufuud ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha dalka South Sudan Salva Kiir, iyo Madaxweyne ku- xigeenkiisi hore Riek Machar, waxaana kulankan lagu lafo gurayaa sidii ay dhinacyadu u gaadhi lahaayeen xabad joojin lagu soo af-jarao dagaaladda ka qarxay dalkaas Seddex wiig ka hor kaas oo ay ka dhasheen khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo galaaftay nolosha Kumannaan qof iyo baro-kac aad u badan. Dhinaca kale, wararkii u danbeeyay ee ka soo baxaya dagaaladda weli ka socda dalkaas ayaa tibaaxaya guulo dhinaca Geesta kale, Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya dalkaas in ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka. Sidoo kale Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday in muwaadiniintiisa ka daad guraynayo dalkaas. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE CONTACT;wajalenews@gmail.com Related posts:Gudoomiye Xinif Oo Sheegay In Xisbiyada Mucaaridku Xataa Sii Magacaabeen Xilalkii Dawladooda +Cida L... Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Oo Daaha Ka Feyday Khilaaf Ka Dhex Jira Isaga & Wasiirka I... DAAWO;-Suldaan Ibraahim J, Samatar Oo Ka Hadlay Shaqaaqadii Shalay Ka Dhacay Magaalada Borama Iyo H... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|