Nuxurka Shir Xabad Joojin Ah Oo Uu Urrur Gobileedka IGAD Ku Dhex-Dhexaadinayo Dhinacyada Ku Dagaalansan Dalka South Sudan Oo Ka Furmay Addis Ababa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Shir Xabad Joojin Ah Oo Uu Urrur Gobileedka IGAD Ku Dhex-Dhexaadinayo Dhinacyada Ku Dagaalansan Dalka South Sudan Oo Ka Furmay Addis Ababa.
January 3, 2014 - Written by Editor:

Addis Ababa-(wajaalenews)- Dhinacyada ku kulmay Addis Ababa, ayaa ah wufuud ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha dalka South Sudan

Addis Ababa-(wjn)- Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa waxa ka furmay wadahadalo ay gadh-wadeen ka yihiin Urrur Goboleedka IGAD, oo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada ku dagaalansan dalka curdinka ah ee Koonfurta Sudan,

Dhinacyada ku kulmay Addis Ababa, ayaa ah wufuud ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha dalka South Sudan Salva Kiir, iyo Madaxweyne ku- xigeenkiisi hore Riek Machar, waxaana kulankan lagu lafo gurayaa sidii ay dhinacyadu u gaadhi lahaayeen xabad joojin lagu soo af-jarao dagaaladda ka qarxay dalkaas Seddex wiig ka hor kaas oo ay ka dhasheen khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo galaaftay nolosha Kumannaan qof iyo baro-kac aad u badan.

Dhinaca kale, wararkii u danbeeyay ee ka soo baxaya dagaaladda weli ka socda dalkaas ayaa tibaaxaya guulo dhinaca
dagaalka ay ka gaadhayaan dhinacyadda dagaalamaya, waxaanu kulankan dhex maraya labada dhinac uu ku soo beegmay iyada oo goor dhawayd ay sheehteen ciidamadda taabacsan Madaxweynaha dalkaasi ay sheegteen in ay ku sii siqayaan magaalo madaxda gobalka Jonglei ee Bor oo ah magaalo aad u muhiim ah, balse ciidamadda mucaaridka ayaa beeniyay guulaha ay sheegayaan ciidamadda dawladu iyaga oo xusay in ay gebi ahaanba gacanta ku hayaan maamulka magaalada Bor.

Geesta kale, Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya dalkaas in ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka. Sidoo kale Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday in muwaadiniintiisa ka daad guraynayo dalkaas.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS