Munaasibad Lagu Xusayay Sanad Gurada 1aad ee Geeridii Gudomihii hore baanka Djibouti oo Hargeisa lagu qabtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Munaasibad Lagu Xusayay Sanad Gurada 1aad ee Geeridii Gudomihii hore baanka Djibouti oo Hargeisa lagu qabtay
January 14, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa, (wajaalenews) – Munaasibad si wayn loo soo abaabulay isla markaana lagu xusayey sanad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay Alle ha u naxariistii Guddoomiyihii hore ee Baanka dalka Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ayaa shalay lagu qabtay huteelka Maasnoor ee magaaladda Hargeysa.

Alle ha u naxariistee marxuum Jaamac Xayd ayaa isagu sanadkii hore ee 2013-kii ku geeriyooday  magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo xuska shalay loo qabtay ay ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaanada Baarlamaanka, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Safiirka Somaliland ee Kenya, Haween iyo dad kale oo aad u tiro badan.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa  isagu ku dheeraaday shakhsiyadii marxuumka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Jaamac Maxamuud Xayd iyo dadkii kale ee Muslimiinta ah Alle u wada naxariistoo, ILAAHAY waxaanu uga baryeynaa dambi dhaaf, Laakiin waxa inala gudboon himilooyinkii iyo aragtidii uu Jaamac lahaa ee uu hiigsanayey inaynu ku dedaalo inaynu halkii ka sii wadno oo aynu hirgalino, hibooyinkiisa waxaynu ku soo koobaynaa, Jaamac wuxuu ahaa nin dad jecel, hogaaminta iyo talo qabeenimadu waa hibo ILAAHAY qofka siiyo”.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Jaamac Maxamuud Xayd, ILAAHAY janadii haka waraabiyo sidii dadkii hore u sheegeen wuxuu ahaa qof aad iyo aad u wanaagsan, aqoon badan baan u lahaa, wuxuu ahaa qof ku sifoobay sifooyinkii diinta lagu sheegay ee qofka Islaamka ah ee muuminka ah ee ILAAHAY Qur’aankiisa ku sheegay inuu janadiisa galayo ayuu ahaa”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka mid ahaa masuuliyiinta halkaasi ka hadlay isla-markaana ay saaxiib ahaayeen marxuumka Jaamac Xayd ayaa isaguna isaga oo ka waramaya aqoonta uu u lahaa marxuumka, waxa uu yidhi “Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, Alle janadiisa haka waraabiyo, xuskiisa waxa lagu beegay maalin wanaagsan oo xuska dhalashada nebigeenna Muxamed (CS), Alle ha u naxariisto ayaan leeyahay, nin qiimo badan buu ahaa oo Somaliland iyo dalalka geeska Afrikaba qiimo badan ku lahaa”.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Cabdilaahi Sifir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waa maalin aynu xus u samaynayno wanaaggiisii iyo jaceylkii aynu u qabnay, sidii Muuse Biixi sheegayna waxa inagu waajib ah inaynu rumayno himilooyinkiisii”.

Munaasibadda xuska ah, ayaa waxa iyaguna ka hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Muxamed Aw Axmed, Xildhibaan Cali Gabiley, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Cabdiraxmaan Jaamac iyo dad kale oo door ah, waxayna dhammaantood halkaasi uga duceeyeen Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd iyo dadka kale ee Muslimka ah ee geeriyooday.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICEa

COMMENTS
LINKS