Masar oo loo codeynayo destuur cusub Iyo rabshado kasocda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masar oo loo codeynayo destuur cusub Iyo rabshado kasocda
January 14, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS Shan ruux ayaa lagu dilay dibedbaxyada looga soo horjeeda aftida destuurka Masar iyadoo Ikhwaanul Muslimiinku ku baaqeen dibedbaxyo.

Aftidan ayaa la qabanayaa dhowr bilood kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Maxamad Mursi.

 

Tobanaan kun oo askari ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka si ay u sugaan ammaanka aftidan destuurka.

Destuurkan qabyada ah ee loo codeynayo ayaa baddeli doonoo destuurkii la ansixiyay xilligii uu Mursi madaxweynaha ahaa.

Militeriga Masar

Militeriga ayaa xukunka ka tuuray Mursi lix bilood ka hor.

Weriyaha BBC-da ee Qaahira ayaa sheegaya in militeriga ay doonayaan in loo codeeyo destuurkan si loo ansixyo tallaabadii xukunka looga tuuray Maxamd Mursi.

Mursi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horrey ee si dimuqraadi ah loo soo doortay dalka Masar.

Urur argegixiso

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo loo aqoonsaday urur argagixiso, ayaa ku baaqay inaan laga qeyb qaadan codbixintan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegay in 200,000 oo boliis iyo dhowr boqol oo ciidan gaar ah ay ka qeyb qaadanayaan sugidda ammaanka aftida.

 

Weriyaha BBC-da Orla Guerin ayaa sheegtay inuu jiro olole ballaaran oo dadka loogu baaqayo inay destuurka u codeeyaan.

Balse waxaa adag inaad aragtid wax astaan ah oo ay leeyihiin dadka u ololaynayo in laga soo horjeesta destuurka.

Xisbiga uu hoggaamiyo ninka Islaamiga ee Cabdilmuncim Abulfatuux, ayaa sheegay inuu qaadacay aftida kaddib markii la xiray qaar ka mid ah xubnihiisa oo u ololaynayay in “maya” loogu codeeyo destuurka cusub.

Taageerayaasha Mursi ayaa dibedbaxyo dhigayay tan iyo markii xukunka laga tuuray.

Destuurka waxaa qoray 50 xubnood oo aanay ku jirin Islaamiyiinta, halkaa kii la qoray xilligii Mursi ay iyagu u badnaayeen dadka qoray.

Dadka ka soo horjeeda destuurka cusub waxay sheegayaan inuu u danaynayo militeriga.

 

Tobanaan kun oo askar ah ayaa ammaanka aftida sugaya

Waxaa ku qoran in dadka rayyidka ah la hor gayn karo maxkamadaha militeriga.

Waxaa kale oo ku qoran inay shardi tahay in militerigu oggolaado cidda qabanayso xilka wasiirka difaaca ee dalkaas sideedda sano ee soo socota.

Destuurkii hore waxaa ansixiyay boqolkiiba 64 dadka codeeyay, basle waxaa doorashada ka qeybqaatay boqlkiiba 32 daka xaqa u leh inay codeeyaan

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS