Maraykanka oo sheegtay duqeyn ka dhacday Shabeellada Hoose | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka oo sheegtay duqeyn ka dhacday Shabeellada Hoose
January 27, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO WAJAALENEWS Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda bilaaduuliyaha ahi ay fuliyeen duqeyn dhanka cirka ah oo shalay lagu diley sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Mas’uul magaciisa qariyey oo ka tirsan wasaaradda gaashaan-dhigga ee Maraykanka, ayaa telefishinka Fox News u xaqiijiyey in weerarkaas ay diyaaradaha Maraykanku fuliyeen ayna ku dileen mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysa Ururka Al-shabaab.

Duqeynta oo dhacday gelinkii dambe ee shalay, waxaa lala eegtay gaari uu la socdey Sahal Isku-Dhuuq (Camuu) oo sida la sheegay ahaa madaxii caafimaadka ee Xarakada Al-shabaab aadna ugu dhowaa hoggaamiyaha sare ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Bishii Oktoobar ee sanadkii tegey [2013] waxaa sidan oo kale duqeyn ay diyaaradaha Maraykanku geysteen loogu diley Ibraahim Cali Cabdi oo ku magac dheeraa (Anta Anta), oo isagu khabiir ku ahaa farsameynta walxaha qarxa.

Isla bishaas, waxay ciidamada gaarka ah ee Maraykanku weerar gaadmo ah kusoo qaadeen guri uu degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose kaga sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, inkasta oo howlgakaasi uu noqday mid dhicisoobay, kaddib markii xooggaga Al-shabaab ay si xooggan ciidamadii weerarka soo qaaday isaga caabiyeen.

Soomaaliya ayaa qayb ka ah siddeed dal oo diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku ay duqeymo ka geysanayeen laga soo bilaabo sanadkii 2010.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS