Magacyada Shakhsiyaadka Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Ee Ku Soo Baxay Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magacyada Shakhsiyaadka Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Ee Ku Soo Baxay Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Somalia
January 17, 2014 - Written by Editor:

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadu ka mid ahayd Foolaadka Wasiirada Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland

Hargeysa (wajaalenews) – Golaha Wasiirada ee Dawlada Federaalka Somalia ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dhawaaqay.

Golahan oo muddooyinkii ugu dambeeyay laga sugayay Ra?isal Wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu aakhirkii ku dhawaaqay 54 wasiir oo isugu jira Wasiiro, ku xigeeno iyo Wasiirul Dawleyaal.

Hadaba liiskan ayaa waxa ku soo baxay


Xubno ka dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolada Somaliland, kuwaas oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr C/Raxmaan Bayle oo ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo tamarta waxa loo magacaabay Agaasimihii hore ee Wasaarada Maaliyada Jaamac Axmed Maxamed (Oday) oo isagu ka soo jeeda Magaalada Burco Barigeeda, Halka Wasiirka Wasaarada Diinta iyo awqaafta loo magacaabay Ridwaan Xirsi Maxamed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Magaalada Burco Galbeedkeeda, Wasiirka Macdanta Mudane Daa?uud Maxamed Cumar  oo isna ka soo jeeda Gobolka Sool, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo isna ka soo jeeda Laasqoray.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxa loo magacaabay Mayorkii hore ee Magaaladda Berbera Cabdalla Xaaji Cali, waxaanu ka soo jeeda Magaalada Berbera, halka Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda loo Magacaabay Jamaal Xasan Ismaaciil  oo isna ka soo jeeda Gobolka Hawd Magaalo Madaxdiisa Baligubadle.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadu ka mid ahayd Foolaadka Wasiirada Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaan iyadu ku soo bixin liiska Golaha Wasiirada Xukuumada Ra?isal Wasaare Cabdiweli Sheekh, halka xukuumadii hore ee Ra?isal Wasaarihii Hore lagaga soo daray laba ka mid ah

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS