Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Masar Mohamed Mursi oo maanta maxkamad la soo taagay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Masar Mohamed Mursi oo maanta maxkamad la soo taagay
January 28, 2014 - Written by Editor:

QAAHIRA WAJAALENEWS Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Masar Mohamed Mursi ayaa maanta maxkamad la soo taagay magaalada Qaahira, si uu wajaho dacwaddo loo haysto isaga iyo xubno ka tirsan ururka Akhwaanul-Muslimiin.

Diyaarad helicopter ah ayaa Mursi keentay maxkamadda, taasoo ka soo qaaday xabsiga lagu hayo oo ku yaalla magaalada Alexandria.

Dacawadaha loo haystaa Mursi iyo 130 nin oo kale, waxaana ka mid ah; ka baxsashadii uu ka baxsaday xabsi ku yaalla Masar sannadkii 2011, inuu ka danbeeyay rabshado ka dhan ah dad dibadbax dhigayay sannadkii 2012 iyo inuu aflagaadeeyay garsoorka Masar.

Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka Masar si xor ah loo soo doortay ayaa waxaa xukunka ka tuuray militariga Masar bishii July ee sannadkii hore.

Saraakiisha Masar ayaa sheegay in maanta oo Talaada ah, niman hubeysan ay toogasho ku dileen sarkaal sare oo booliska ka tirsan oo lagu magacaabo General Maxamed El-Said, oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha gudaha.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS