|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Wafti Ka Socda shirkada Shiidaal Baadhista Ee DNO Iyo Nuxurka Wada Hadalka Oo Ay Faah Faahin Ka Bixiyeen Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadu
January 7, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(wajaalenews):-madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mid ka mid ah shirkadaha somaliland heshiiska kula jira inay dalka ka baadhaan macdanta iyo shiidaalka. Hargeysa(wjn):-madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mid ka mid ah shirkadaha somaliland heshiiska kula jira inay dalka ka baadhaan macdanta iyo shiidaalka. Kulanka dhex maray xukuumada Somaliland iyo madaxda shirkada NDO oo dalka socdaal ku yimid oo ay warbaahintu dibada ka joogtay waxa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland xubno ka mid ah golihiisa wasiirada oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha debada iyo wasiirka macdanta iyo tamarta. Ka dib markii uu kulankani dhamaaday ayaa waxa si wada jira warbaahinta ula Ugu horayn wasiirka wasaarada arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay kulanka dhex maray xukuumada Somaliland iyo waftiga shirkada DNO, waxa uu sheegay inay shirkadan si wanaagsan ula shaqayn doonaan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ? Waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa shirkadda DNO oo la siiyay (Block 18), waxaanu soo dhaweynaynaa Madaxda shirkadda oo aanu filayno inaanu si wanaagsan ula shaqeyno, wasiirkeena Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale-na si wanaagsan ula shaqeeyay, aad-baanu u soo dhaweynaynaa, waxaanu aaminsanahay, iyaguna aaminsan yihiin in batroolka iyo shidaalka ku jiraa uu yahay ka meel sare ina gaadhsiinaya? Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo isaguna ka hadlay kulankan dhex maray xukumada Somaliland iyo waftiga shirkada DNO waxaa uu tilmaamay inaanay shirkadani ahayn mid ku cusub Somaliland balse ay wakhti hore la galeen hes ?Shirkadda DNO maaha shirkad innagu cusub, waa shirkad aynu heshiis la saxeexanay, waxaanuna kula saxeexanay Washington DC, intaanu way soo diyaar-garoobayeen, shirkadduna waa shirkad Norwayjiyaan ah, laakiin waxay ka shaqeyso Khaliijka iyo Waqooyiga Afrika, waxayna wadataa iskaashato kala shaqeynaysa Block 18 oo 40% leh, imikana shirkaddu way soo degtay dalka, waxayna doonaysaa inay u diyaar-garowdu hawshii, laba bilood horteed ayay dalka xafiis ka furatay, Maareeyihii dalka u matalayeyna wuu ina joogaa, Xuseen Jaamac Diiriye, markaa maanta waxay dalka u yimaadeen inay Madaxwaynaha soo salaamaan oo ay u sheegaan inay diyaar u yihiin shaqadii hore ka bilaabaan? ayuu yidhi. WAJAALENEWS DESK Related posts:Garyaqaanada U Doodaya Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo Eedaymo Culus U Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Bi... Diyaaradda Air Djibouti oo Duulimaadkeedii u horeeyey Dalka ku Timid una Kala Gooshtay Hargeysa iyo ... DAAWO;-Hordhaca Barnaamijka Masraxa Musharax Oo Uu Marti Ku Ahaa Maayarka Magaalada Gabiley Iyo Su,... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|