Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay In Uu Guddi U Saaray Turxaan Bixinta Labada Garab Ee Uu Kulmiye U Kala Fadhiyo
January 16, 2014 - Written by Wariye:
Hargeysa (Wajaale News) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay magacaabay sagaal xubnood oo lagu sheegay inay yihiin guddi turxaan bixin doonta khilaafka ka dhex taagan xisbiga KULMIYE. Waxaanu sidoo kale madaxweynuhu dib u riixay shirweynihii xisbiga KULMIYE ee mudaysnaa 21 January.
Inkastoo aanu Madaxweynuhu si rasmi ah u baahinin magacyada xubnah haddana ilo xogogaala ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in warqadda uu madaxweynuhu guddigan ku magacaabay ogaysiin ahaan laba nuqul loo kala diray madaxweyne xigeenka iyo hoggaanka xisbiga, waxaanay ka koobanyihiin wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa guddiga faray inay soo turxaan bixiyaan khilaafka ka dhex jira xisbiga KULMIYE oo muddooyinkii u dambeeyay u kala jabay laba garab. Madaxweynuhu waxa kale oo uu shirweynaha xisbiga u mudeeyay 22 March, halkii uu ka ahaa 21 January ee sannadkan.
Guddigan oo tiradooda tahay 9 xubnooda waxay kala yihiin: