Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Ka Masuula Dibu-dhaca Xisbiga Kulmiye,Waxaana Ka Faa’iidaystay Xisbiyada Mucaaridka ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Ka Masuula Dibu-dhaca Xisbiga Kulmiye,Waxaana Ka Faa’iidaystay Xisbiyada Mucaaridka ah.
January 29, 2014 - Written by Editor:

Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Ka Masuula Dibu-dhaca Xisbiga Kulmiye,Waxaana Ka Faa’iidaystay Xisbiyada Mucaaridka ah.

Guud ahaan waxaan salaan hawada u soo marinayaa dhamaan bulshaweynta reer Somaliland meel kastoo ay joogaan, sidoo kale waxaa salaamayaa bahda Saxaafada Somaliland, salaan ka dib waxaan maanta qalinka u qaatay sida aan uga xumahay dib u dhaca balaadhan ee ku yimid Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, oo ah Xisbigii uu ka soo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweyne Siilaanyo oo taageero balaadhan ka helay guud ahaan bulshada Somaliland isla markaana cod aqlabiyad ah ku guulaystay ayaa waxa ay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay saluugeen sida Madaxweynahoodii uu waxba uga siin kuraasidii xukuumadii uu soo dhisay mujaahidiintii waaweynayd ee Xisbiga iyo taladii dalka, taa oo uu dhinaca kale soo magacaabay wajiyo ku cusub taageerayaashii Xisbiga.

sa

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa waxay mar kale ka war heleen Xisbigii Xukuumada ee uu Madaxweynuhu ka soo baxay oo jarka ka laalaada oo in yarna u jira inuu burburo, khilaafka Xisbiga Kulmiye oo in badan soo jiitamay ayaa waxa sabab u ah xubno Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo si toos ah faraha ugula jira arimaha Xisbiga khalkhalna ka dhex wadda, iyadoo la og yahay inuu Xisbigu leeyahay sharci iyo kala danbayn isla markaana uu Gudoomiyihii Xisbigu Joogo, ayaa haddana waxa u suura gashay guruubkaa burburka la doonaya Xisbiga inay hor istaagaan dhawr jeer shirweynihii Xisibga, iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyo arkayo dhibaatada ay ku hayaan Xisbiga xubnahan xukuumadiisa ka tirsan.

 

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ahaa nin halgan weyn u soo galay sidii uu Madaxweyne Siilaanyo mar uun kursiga ugu fadhiisan lahaa, ayaa  waxaa uu rajaynayay Gudoomiye Muuse Biixi inuu Madaxweynuhu ku garab gali doono dhisida Xisbiga iyo sidii uu mar kale uu hogaanka ugu sii hayn lahaa Xisbiyada, taasi mayse dhicin oo  Xisbigii Kulmiye waxa uu ka socon waayay xubno Wasiiro ah, taas oo horseeday in taageerayaashii Xisbiga ka niyad jabaan khilaafkan adag ee ay sababeen xubnaha Xukuumada ku jiraa ee kalsoonida ka haysta Madaxweynaha , waxaana hubaal ah in maanta Xisbigii Kulmiye laga sii dareerayo oo ay Taageerayaashiisii ku kala biirayaan Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid, waxaana daliil u ah in labadii gudoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiilada Somaliland oo ahaa Xisbiga Kulmiye in maalmo ka hor laga qaaday Karaamadii ay laheen isla markaana uu Gudoomiyaha Wakiilada oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro golihii ka dhigay Gole ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

 

Guntii iyo gabagabadii waxaan leenahay Mudane Madaxweyne hadaanu nahay Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye waxaanu ka xunahay inaad ku dhiiranwayday inaad Xisbiga ka qabanwayday shaqsiyaadka adiga iyo Xisbigaba la doonaya guul darada, waayo hadduu Xisbigu guul daraysto adoo Madaxeynihii qaranka ah adiguna waad guuldaraysatay, ee Mudane Madaxweyne waxaanu ku leenahay haddanu nahay taageerayaasha Xisibga Kulmiye, Xisibga ka qabbo xubnaha xukuumadaada ku jira ee guul darada la doonaya Xisbiga Kulmiye, si uu Xisbiga Kulmiye Xisbi Qaran u sii ahaado oo aadiguna magac wanaagsan iyo taariikh aad ugu tagto waa inaad Mujaahid Muuse Biixi Cabdi maanta aad barbar istaagto sidii uu shalay kuu barabar taagnaa .

 

 

Mohamoud Osman Abdi

Hargeysa Somaliland

Mccabdi86@gmail.com

COMMENTS
LINKS