MADAXWEYNE MALAGAYAABAA IN UU XISBIGII KULMIYE DHABTAADA KU GO’O BY MUSTAFA SH‏. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MADAXWEYNE MALAGAYAABAA IN UU XISBIGII KULMIYE DHABTAADA KU GO’O BY MUSTAFA SH‏.
January 10, 2014 - Written by Editor:
INKA MUUSE BIIXI BAN CID LA’A BIRTA UGU XIDHAAN AHAY ALLA BAARISANIYAA………….

Waxa la yidhi WARAABE ayaa bukooday,dabadeedna ehelkiisii iyo asxaabtiisii ayaa isugu yimid,si ay ula tacaalaan saaxiibkoodii muddada dheer ay xaqa isku lahaayeen,dabadeedna waxay go’aansadeen in ay ka qaadaan meeshan uu xanuunku ku haleelay dabadeedna way qaadeen iyagoo sida ayey damceen in ay dhigaan geed hadhaca oo ay isla qaateen in lagu baxnaaniyo balse WARAABIHII la sidey ayaa qaylo afka galiyey wuxuna ku yidhi waraabayaashii sidey waar halkan ha i dhigina,waa halkii aan barigii hashii agoonta ku cunaye,meelkale oo bilaa godob ah i dhiga,wey ka qaadeen oo cabbaar ayey la socdeen,dabadeedna meelkale ayey dhigeen,hadana wuu cabaadey
waar meesha iga qaada waa halkii aan barigii dibiga baadida ah aan ku cunaye,wey ka qaadeen,sidii ay u sideen ee marba meesha ay is yidhaahdaan malaha halkan ayaa dhaanta halkii hore ee uu isaguna marba xasuusanayey godobihii hore ayuu aakhirkii dhabtooda ku go’ay.imika xisbigii KULMIYE ee miisaanka cuslaa ayaa markii uu shirweynihiisii soo dhawaadey meelna qabanla, guriga WASIIRKA MAALIYADDA i geeya,hadana iga qaada wax mujaahidiinii iima muuqdaane haddana loo qaad xagaa iyo GUDDOOMIYAHA GUURTIDA gurigiisa hadana yidhi iga qaada cidlaa igu dilliye,kuye xagaa iyo MADAXWEYNE KU XIGEENKA maya maya ha idhigina oo la yidhi maxaa ku heley kuye cidba kama garanayo dadka gurigan joogee hala igu celiyo Madaxtooyaddii weyneyd,xaalka xisbiga Kulmiye halkaasuu marayaa waxana looga cabsi qabaa in uu aakhirka ku go’o dhabta Madaxweyne Siilaanyo,sidii uu horeba XISBIGII UDUB ugu go’ay dhabtii MADAXWEYNIHII hore ee DAAHIR RAYAALE,waliba dhinashadu kala fool xune UDUB wakhtigaa xukuumada gacanta kumay haynin,suurta galna may ahayn wakhtigii daahir rayaale xukunka hayey in uu xisbiga UDUB uu laba garab u kala socdo
balse maanta xisbiga KULMIE wuu kala socdaa waana kooxo ,khilaafkani ayaa maraya halkii ugu saraysay,mana aha mid ku koobnaanaya XISBIGA KULMIYE oo qudha ee
waa mid saameyntiisa togan leh,waayo waa xisbigii talada dalka hayeyhadaba waxan u soo jeedinayaa MADAXWEYNAHA IYO KU XIGEENKIISA in ay waxbadan dib uga fiirsadaan,kana dheeraadaan aragtida kooban ee ku dhaqankeedu hadhow aanla furdaamin karayn,
waxa la yidhi wakhti jaahiligii ayaa boqor amaba hogaamiye kalidii talis ahaa uu sagaalnin oo walaalo ah sideed ka mid ah dilay,kii sagaalaadna uu xidhay,muddo ka dib ayuu maalin maalmaha ka mid ah uu u yeedhey boqorkii ninkii xidhnaa waxana uu weydiiyey maxbuuskii saddex su’aalood 1 waxad iiga warantaa geela?

wuxu kaga jawaabey ninkii maxbuuska ahaa,Geelu kor hakaa xigo kayna ha joogo.

wuxu boqorkii ku yidhi maxbuuskii maad garan su’aashaa jawaabteedii.maxbuuskii ayaa hadalkii qaatoo yidhi ,hadaa waxa iga yaqaana Geela ninka inta uu ninka inta uu dareeriyo reerka dushiisa ku seeteeya,hadana boqorkii wuxu weydiiyey maxbuuskii 2 DUMARKA KA WARAN? wuxu ku jawaabey maxbuuskii DUMAR UURKA u buuxi afkaagana ka hayso,boqorkii ayaa yidhi maad garan su’aashaasna,maxbuuskii oo hadlka qaatey ayaa yidh,haddaa waxa iga yaqaana DUMARKA ninka intuu qadiyey hadana la murmey.waxana uu boqorkii weydiiyey maxbuuskii caqliga badnaa su’aashii ugu dembeysay 3 RAGGA shaygaa la yidhaa bal ka waran?wuxu ku jawaabey maxbuuskii RAG agtaada ka dey.

Maad garan ayuu boqorkii yidhi,
balse maxbuuskii oo hadalkii ku soo noqdey ayaa yidhi,hadaa waxa iga yaqaana Rag ninka sagaal nin oo walaalo ah sideed ka mida diley kii sagaalaad oo aniga ahna maanta nolosha igu wareysanaya,sidiibuu boqorkii ku si daayey ninkii xigmadda badnaa,imika SIILAANYO GUDDOOMIYIHII xisbiga wuxu u direy in uu ka soo shaqeeyo leyli sheekadaas oo kale ah,in uu marba nin ka dhex hadlo,mar SALEEBAAN ADEN xal ka raadi,mar SAMAALE ,maanta oo u dambeysayna SAYLICI,aakhirkiina SIILAANYO wuxu tiriyey gabay dheer oo uu kaga hadlayo inta nin ee MUSEBIIXI ka horeysay ee uu xisbiga ka dhaqaajiyey duhur cad,gabaygan oo dhammeystiran waxan idiinku soo gudbin doonaa qaybaha dambe haddii Allaha awooda lihi inoo saamaxo,waxase ka mid ahaa tixdaasi,isagoo MADAXWEYNUHU ka hadlaaya guulihii kala duwanaa ee uu xisbiga ka soo hooyey iyo siduu rag badan oo muuse ka mid yahay uu afka dhulka u daray wuxu yidhi odeygu,

NINKA MUUSE BAN CID LA’A BIRTA UGU XIDHAAN AHAY ALLA BAARISANIYAA.

BY MUSTAFA SH TOGWAJAALE TEL,4466752

COMMENTS
LINKS